25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Man United oo xiiseyneysa ninka lagu niinaaso ‘Messi-ga cusub’ Halilovic.

Manchester United ayaa diirada saaratay  ninka lagu naaneyso Messi-ga cusub ee Alen Halilovic waxaana wararka xanta ah ay sheegayaan inuu usoo dhaqaaqo Old Trafford, sida uu qoray wageyska Daily Mirror.

Waxaa ninakaan si gaar ah loola barbar dhigaa weeraryaahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.

Kubad sameeyaha kooxda Dinamo Zagreb ayaa ah keliya 16 jir wuxuuna ka ciyaaraa booska uu kaciyaaro ninka ay isku wadanka yihiin ee Luka Modric.

United wanted Modric this summer but he only had eyes for Real Madrid.

Tababaraha meesha fog wax ka arka Sir Alex Ferguson ayaa dhiiri gelinaaya in da’yarkaan Halilovic uu kusoo biirsho kooxdiisa United.

Laakiin ciyaaryahanka ayaa sheegay inuusan hada maanka ku heyn inuu aado koox kale balse uu doonayo inuu diirada saaro  u ciyaarista Zagreb: “Sheekada ku sabsan Manchester United? Wax badan masii fiirin wararka xanta ah. . Dinamo Zagreb ayaana go’aan ka gaari doonta waxa dhacaaya.

“Waxaan isku deyayaa inaan kor isku qaado inta karaankeyga ah – wax walba oo kale hada ima quseeyaan.”

Arsenal oo diyaar u ah inay Janaayo 35 milyan kusoo xero geliso Falcao.

Arsene Wenger ayaa isticmaali kara lacagtiisii ugu badneyd ee uu abid ciyaaryahan kusoo iibsado isagoo maanka ku haya inuu 35 milyan oo ginni bisha Janaayo kooxdiisa Gunners ugu soo xero geliso gool ma gafe Radmal Falcao.

Tababaraha Arsenal ayaa laga soo xigtay isuucii lasoo dhaafay inuu u baqooli karo xidiga.

“Hadii uu Arsene doonayo inuu lacagtaas isticmaalo inta uu Janaayo suuqa kala iibsigu furan yahay, xaqiiqdii taas wuu sameyn karaa,” ayuu yiri Gudoomiyaha Arsenal Peter Hill-Wood.

Arsenal iyo taageerayasheeda ayaa baadi goob ugu jira koobkoodii ugu horeeyey ilaa muddo todobo sano ah.

Barcelona iyo Juventus oo diyaar u ah inay Man Utd ka fara maroojistaan Vidic.

Mustaqbalka Nemanja Vidic ee  Manchester United ayaa shaki ku jiraa mar kale iyadoo kooxda reer Spain ee Barcelona iyo kooxda heysata horyaalka Italy ee Juventus ay isku deyayaan inay kabtanka ka dhaqaajiyaan gegeda Old Trafford, sida uu qoray warsidaha The People.

Labada kooxdood ayaa maanka ku haya inay ninka reer Serbia ka dhaqaajiyaan horyaalka Ingiriiska dhamaadka xilli ciyaareedkan, xitta hadii uu kusii jiro xaaladiisa dhaawaca ah.

Dhamaadla xilli ciyaareedka Vidic ayaa heshiiskiisa waxaa ka harsanaan doona hal sano, waxaana nasiib darro noqon doona inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.

United, ayaa dhibaato kala kulmeysay laba sano ka hor  iyadoo Real Madrid ay xiiseyneysay ninkaan, waana inuu go’aan qaata 30 jirkaani hadii uu qandaraaska dhereynayo iyo hadii kale, kaasoo todobo isbuuc oo kale garoomada ka maqnaanaya.

Barcelona ayaa raadineysa ninkii booska ka bedeli lahaa Carles Puyol, iyadoo Old Lady ay dooneyso inay iska dhisto daafaceeda dambe.

Barcelona ayaa daafacaan ku rabta 12 milyan oo ginni, halka ay Juventus ku rabo ku dhowaad 16 milyan oo ginni.

Sawir gacmeed qosol leh oo laga sameeyay magacaabista R/W Saacid

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa sawir gacmeed ka sameeyay magacaabista Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdulqadir Faarax Shirdoon “Saacid”.

Amin ayaa sawir gacmeedkiisa ku muujiyay in dadweyne badan oo Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan magacaabista Saacid, sida isaga fikirkiisa ah ee uu sawiray.

Waxa uu sidoo kale uu kusoo qaatay talo ay Shariif Xasan iyo Gaas siinayaan Madaxweynaha ee ah inaan laga murgoon rabitaanka shacabka.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahaba ay lasoo shaqeeyeen ururada aan dowliga ahayn “NOGs”,  sidoo kalena la filayo dowlad NGO ah.

Haddaba arag Sawirka Amin

 

 

Cabdi Weli Gaas oo ballan qaad u sameeyay ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya  Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas ayaa u ballan qaaday  inuu la shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid.

C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya ayaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale uu ka codsaday inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya si uu uguto waajibaadka shaqo ee horyaala.

Gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay 06-Septempar sanad kahor ay aheyd maalin taariiqi ah oo dalka Soomaaliya lagu saxiixay Road-mapka shalay oo maalintaasi oo kale ku beegan dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

Waxuu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore inay hortaalo Shaqo adag oo loo baahanyahay inuu ka gudbo.

Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid ayaa balan qaaday dhankiisa inuu dhamaystiri doono dowladiisa uuna wadada u xaarayoMusuqmaasuqa.

 

“XOG iyo GORFEYN”: 6 Sabab oo uu Farmaajo ku waayay jagada Ra’iisul Wasaare-nimada Saacidna ku helay.

Shaki kuma jiro in dad badan oo Soomaaliyeed ay jeclaayeen inay arkaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somalia. Waxaa sidoo kale daah uusan saarneyn in Farmaajo uu muujiyay wax qabad cad, lix bil oo uu hogaaminayay hay’adda sharci fulinta dalka.

Ayada oo uu eegayo arrimahaas ayaa madaxweyne Xasan, waxa uu go’aankiisii ugu horeeyay ahaa inuu soo magacaabo Mr. Farmaajo, hase yeeshee ugu dambeyn uu ka laabtay kadib cadaadisyo xoogan oo isu biirsaday.

Haddaba, maxay tahay sababta loo magacaabi waayay Farmaajo, maadaama uu isku darsaday wax qabad iyo taageero shacab?

Waxaan isku dayeynaa inaan sharaxno dhowr qodob oo is biirsaday oo Farmaajo uu xilkaas ku seegay.

1 – Shacbiyaddiisa. Madaxweynuhu marnaba dhib kuma qabin inuu magacabao qof ka shacbiyad badan kana caansan, hase yeeshee dad isaga la taliyayaal u ah ayaa ku cabsi geliyay in awoodiisa iyo xilkiisa uu mugdi gali doono, haddii uu Farmaajo ka dhigo ra’iisul wasaare. Gaar ahaan waxaa arrintan aad ugu ololeeyay kooxda Damul Jadiid oo iminka saameyn weyn ku leh siyaasadda Somalia, oo ka cabsaday in Farmaajo uu wiiqi karo hamigooda siyaasadeed. Xusuuso kooxdan waxa ay kaalin xoog leh ku lahayd doorashadii Madaxweynaha, waxayna isku dayeysaa inay siyaasadda dalka saameyn weyn ku yeelato.

2 – Shariif Xasan Sheikh Adan. Qof walba waa uu ka dheregsan yahay heerka ay gaar siisan tahay cadaawadda ka dhaxeysa Farmaajo iyo Shariif Xasan Sheikh Adan. Shariif Xasan waa ninkii ka dambeeyay in Farmaajo xilka laga qaado, xilli uu si aad ah ugu mintiday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. Shariif Xasan waxaa weli uu hami uga jiraa wasiirka Maaliyadda, sidaa dateedna wuxuu aaminay in haddii Farmaajo meesha yimaado uusan xilkaas arki doonin. Weli ma cadda inuu xilkaas iminka heli doono, hase yeeshee waa hamigiisa.

Xusuuso Shariif Xasan waa ninkii madaxweynaha siiyay codadkii uu kaga soo gudbay wareega koowaad ee doorashada intooda badan. Si kastaba madaxweynaha Shariif Xasan wuu u diidi karaa wasiirka maaliyadda isaga oo iska ilaalinaya kacdoon shacbi, hase yeeshee hadduu uu yeelay taladiisa ahayd inuusan Farmaajo magacaabin cid la og ma lahan.

3 – Ethiopia iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Saacid, waxa uu muddo degenaa dalka Kenya. Waxaa uu sidoo kale xiriir dhow la lee yahay Dowladda Ethiopia, waxaana Caasimada Online ay xog ku heshay inay kaalin ku lahaayeen magacaabistiisa, ayna ka dhaadhciyeen madaxweynaha in Farmaajo uusan ku habooneyn siyaasadda iminka socota ee ah “Wejiyo Cusub”, sidaa darteedna loo baahan yahay weji cusub, islamarkaana Saacid uu yahay nin ku haboon arrintaas.

4 – Caasho Xaaji Cilmi iyo Tarsan – Xaaska Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Somalia Caasho Xaaji Cilmi, oo kasoo jeeda beesha Habar Gidir, Saleebaan, waxa ay loolan xoogan u gashay sidii ay u hor istaagi lahayd magacaabista Farmaajo, oo seygeeda oo ay aad beel ahaan isugu dhow yihiin Farmaajo loo magacaabi lahaa. Waxa ay madaxweynaha ka dhaadhicisay ayada oo kaashaneysa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Tarsan, in loo baahan yahay weji cusub. Waxa ay sidoo kale ayada iyo Tarsan ay madaxweynaha u sheegeen in haddii la magacaabo Saacid ay Caasho Xaaji Cilmi dowladda taageera buuxda uga gadi karto beesha ay kasoo jeedo ee Habar Gidir, oo miisaan culus ku leh siyaasadda dalka.

5 – Damul Jadiid. Xog aan helnay goor dambe ayaa sheegeysa in Saacdi uu xubin ka yahay Damul Jadiid, balse aanu ahayn qof muuqda ama ku fir fircoon kooxda. Damul Jadiid waxa ay madaxweynaha ku lee yihiin saameyn xoogan. Inta badan xubnaha ku hareereysan iyo la taliyayaashiisa waa kooxdaas, waxaana ay dagaal xoogan u galeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen go’aan madaxweynaha ku magacaabi lahaa Farmaajo. Waxaa xitaa dhacday in maalin madaxweynu u yeeray suxufiyiinta si uu Farmaajo u magacaabo, hase yeeshee ay ugu dambeyn ayaga ka celiyeen, ayna ka dhaadhiciyeen Saacid oo ay u arkeen nin kooxda ka tirsan balse aan lagu ogeyn.

6 – Beesha Caalamka – Qodobkan, waa kan ugu weynaa ee madaxweynaha uu dhaafi waayay. Caasimada Online waxa ay xog ku heshay in madaxweynuhu diyaar u ahaa in dhammaan qodobada kale ee aan kor kusoo xusnay uu dhinac maro, balse uu meel uu dhaafo waayay beesha caalamka, gaar ahaan xafiiska QM ee Somalia ee uu hogaamiyo Mahiga. Ugu dambeyn markii madaxweynaha uu arkay dhammaan cadaadisyadii kale oo lagu diray diidmada beesha caalamka, ayuu ka weecday Farmaajo, welibana isaga oo jecel inuu magacaabo. Waxaa laga yaabaa in dad bada ay is yiraahdeen “Maxaa naga galay Beesha Caalamka?”, hase yeeshee siyaasaddu sidaas maaha. Mararka qaar waa inaad qaadataa go’aan aada og tahay inaadan ku faraxsaneyn.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo dowalddiisaba ee uu soo dhisi doono, waxaan u rajeyneynaa guul iyo inay noqdaan kuwa kasii fiican Farmaajo oo dadka iyo dalka wax u qabta.

FG: Ma nihin taageerayaal Farmaajo iyo mucaarad madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub midna, balse haddaanu nahay Caasimada Online kama leexano runta, haddii aan jecel nahay iyo haddii kaleba, iyo haddii nalagu jecel yahay iyo haddii kaleba, sidaa darteedna qoraal kasta oo aan qorno kuma farxad gelin karno qof kasta, oo waa qasab in dadka qaar ay dhibsadaan, balse fikirkaaga waad nagu biirin kartaa. Mahadsanid

W/Q: Axmed Cali Sheikh “Alaxmed”                                                                                                                                     Tifaftiraha Caasimada Online

Is qab qabsi dhinaca beelaha ah oo ka taagan wasiirada ugu muhiimsan DF + Magacyada Xubnaha ugu cad cad.

Madaxweynaha Somalia ayaa magacaabay wasiirka 1-aad ee dalka Somalia oo laga warsugayay muddo ku dhow bil cida uu u xulan doonno waxana ugu dambeyn nasiib u hellay Dr Saacid Faarax Shirdoon  oo ah nin dhaqaal yahan ah isla markaasna mudo kasoo shaqeeyay meelo badan.

Wararka hoose ee laga helayo Xafiiska madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Somalia xasan Shekh Maxamud ayaa shegaya in wasiirada qaar ay muran ka taagan yihiin sida loo qeybinaayo xukuumadda Ra’iisul wasaare Dr Saacid uu soo dhisaayo.

Wasiirada muranka uu ka taagan yahay waa wasiirada ugu muhiimsan sida wasiirka arrimaha gudaha,iyo  Wasiirka Maaliyadda.

Xogta hoose ee laga hellay xafiiska madaxweynaha waxay sheegaysa in ay jiraan shax wasiiro madaxweynaha horyaala kuwaas oo qaarkood aysan suura gal ahayn inuu magacaabo iyadoo ay jiran qaabka qeybsiga beelaha ee xilalka dowladda Somalia.

Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ah wasiirka muranka ugu xoogan uu ka jiro waxa madaxweynaha uu doonayaa inuu u magacaabo wasaaraddaas Haween wuxuuna qorshaynayaa Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda uu ka dhigo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ah xildhibaanad ka tirsan dowladda cusub kana tirsanaan jirtay xukumadihii kmg ahaa.

Fowsiyo waxay soo noqotay mar wasiirka Haweenka iyadoo xilkaas mudo haysay waxaana ay kamid noqotay Xildhibaanada cusub ee dowladda Somalia waxana door Muhiim ah xilligaan ka qaadatay ololahii Madaxweyne Xasan Sheekh waxaana la sheegaa inay loolan culus u gashay sidii Madaxweyne Xasan sheikh ay ugu muujin lahayd daacadnimadayda iyo howlkarnimadeeda iyadoo xildhibaano badan oo u dhawaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Musharaxiin kale ay si fudud ugu soo leexisay dhanka Madaxweyne Xasan SHeekh oo ugu dambeyn loo doortay madaxweynaha Somalia.

Fowsiyo waa mid kamid ah Tiirarka Kursiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaana Madaxweynaha kula balamay in laga dhigayo Gabadhii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna wasiirka maaliyadda ka noqota dalka Somalia iyado madaxweyne Xasan Sheekh oo Fagaaraha ka sheegay tiro dhowr jeer ah in haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha uu  Haween u magacaabi doonno wasaaradda Maaliyadda taas oo muuqanayso in Fowsiyo ay tahay Wasiirka maaliyadda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Somalia oo warqadayda ay taallo.

Beelaha digil iyo Mirifle ayaa si xoogan ugu soo horjeestay in Fowsiyo Maxamed Sheekh laga dhigo Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maaliyadda waxayna sheegayaan inay tahay mid sharci darro ah oo lagu tumanayo Dastuurka iyo habka qeybsiga beelaha xilalka dowladda.

Fowsiyo Maxamed Sheekh Waxaa ay kasoo jeeda Beesha Eelay ee Raxanweyn waxana ay isku jufo yihiin guddoomiyaha Barlamanka Prof Maxamed Cisman jawaari oo isna ah Eelay ee Raxanweyn isla markasna aysan dhici Karin in labo qof oo Eelay ay qaataan xilalka ugu muhiimsan dowladda ee Digil iyo Mirifle kasoo gaaraya Saamiga dowladda.

Fowsiyo Ayaa ah qofka ugu dhow Madaxweynaha marka laga hadlo Shaqsiyaadka kasoo jeeda Digil iyo mirifle ee dowladda ku jira ama siyaasada ku lugta leh iyadoo Booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Baydhabo ay si cad u sheegtay inay Xildhibanada Digil iyo Mirifle ay codka siiyeen Madaxweynaha isagana laga rabo inuusan ilaabin.

Fowsiyo Maxamed Sheekh Ayaa haatan kamid ah xildhibaanada cusub ee dowladda iyadoo horey ugu tirsanaan jirtay waxaana ay tahay qof siyaasadeeda ku xeran hadba qofkii Mas’uul sare  iyadoo aan ka dheeraan mas’uulkas,waxaana ay ka shaqeyn jirtay goob harqaan ama dawaar ah oo ku taallo Magaalada Dupai halkas oo ay isku barten xaaska Madaxweynihi hore dalka Somalia C/laahi yuusuf waxaana ay kala hadashay seygeeda oo ay isbartay kadiban Fowsiyo ayaa wixi markas ka dambeeyay siyaasada ku dhexjirtay waxayna jeceshahay in loogu yeero Magaca DRs.

Beelaha Laysaan iyo Hadame ayaa ah labada beel ee isha ku haaya xilka xildhibaanad Fowsiyo ay ku haminayso ee Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda waxaana jira dagaal u muuqda laba dhinac laakin ah saddex dhinac oo kala ah Beelaha Eelaay,Laysaan iyo Hadame waxana marka hore ay Beelaha Laysan iyo Hadame ay doonayaan inay iska saaraan beesha Eelay iyo Damaca Fowsiyo Maxamed Sheekh kadibna loolan final ah uu dhexmaro Laysaan iyo Hadame.

Fowsiyo ayaa u muuqanayso inay ugu dambayn ay ku adkaan karto loolanka siyaasaded iyo ceyrsiga labadan xil Ra’iisul Wasare xigeen ahna wasirka Maliyadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Beesha Habar gidir ayaa loolan adag ugu jirta sidii ay ku heli lahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka waxana soconaya kulamo ay qaar kamid ah raga raba kursigaas ay marti qaadyo ku sameeyan hoteelada Muqdisho, waxaana ay u badan tahay inay heli doonto.

Hase yeeshee Jufooyinka hoose ee beesha Habar gidir ayaa isku garbinaya xilka Wasiirka arrimaha gudaha  Somalia waxana ragas ay kasoo kala jeedaan Jufooyinka kala ah Sacad,Ceyr iyo Saleeban.

Yuusuf Garad cumar madaxii hore BBC-da.waa nin u dhashay Jufada Ceyr.

Nin magaciisa lagu sheegay Kabreeto oo haatan ka mid ah maamulka Dekadda Muqdisho,waa nin u Dhashtay Jufada Sacad.

Cali Maxamed Nuux( Tima Jilic) oo ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimada Jamhuuriga Somaliyeed.

Yuusuf Garad ayaa isaga tagay magaalada Muqdisho isagoo lagu arkayay magaalada Neyroobi,waxana la sheegay inuu noqday qof fashilmay wuxuuna waydiistay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka dhigo Wasiirka Arrimaha gudaha markas ayaa shuruud looga dhigay inuu odayaasha Jufadiisa uu taaageero ka raadsado uu dhankaas kasoo galo.

Cali Tima jilic ayaa kamid ah raga sida weyn loola xiriirinayo inuu noqdo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka,Waxaana ay saaxibo isku dhow yihiin Ra’iisul Wasaare Dr Saacid oo u dhaxda Xildhibanad Caasho Xaji Cilmi oo Jufo hoose ay isla yihiin Cali Tima Jilic.

Si kastaba Ra’iisul wasaaraha ayaa wali soo magacaabin golihiisa wasiirada isagoo sheegay inuu soo dhisi doono  xukuumad wanaagsan oo dalka samata bixin karta xiligan.

Madaxaweyne Xasan oo si dhiiranaan leh uga hadlay ciidamada shisheeye ee dalka jooga? (Muxuu yiri?.

Iyadoo dalkeena Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye oo aad u fara badan, islamarkaasna ay yihiin kuwo dhanka ammaanka ka taageera Doowlada Soomaaliya, ayaa hadal kasoo yeeray madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxamuud, waxa uu ku sheegay in ciidamo shisheeye oo dalka lakeenay aysan marnaba keeni doonin dowladnimo ka dhalata Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa dhalin kara in dowlad rasmi ah ay ka hana qaadao dalka Soomaaliya hadii ay gacmaha isqabsadaan, laakiin aysan shisheeye marnaba nabad kadhalin karin Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusii daray in lagama maarmaan ay tahay in ciidamada Soomaaliya latayeeyo islamarkaasna ay helaan mushaaraadkooda iyo caafimaad rasmi ah.
Waxa uu sheegay in aysan waxba tareen in laysku haleeyo marwalbo ciidamo shisheeye, laakin loo baahan yahay in latayeeyo kuwa Soomaalida.

“Doowladnimo anagay najirtaa, gacanteena ayay ku jirtaa ajnabi nooma keeni karo, walaahi bilaahi tallaai adinkuna waad aragteen aniguna waan ogahay ilaahayna wuu nala ogyahay kumanaan ajnabi ah haday noo imaadaan inaysan doowladnimo noo dhalin karin, xaqiiqdana waan soo taabanay sheegis maahan, kumanaan ciidamo ka socda doowladaha ugu quwada weyn ayaa Muqdisho imaaday oo hawadeeda diyaarado ladul taagnaay si ay u ilaaliyaan ammaanka wayna kari waayeen wayna ku fashilmeen ammaanna nooma aysan sugin, annaga ayay noo taalaa inaan amaanka sugano, go’aan cid magaarin inaan anaga amaankeena sugano maahane, qof walboo Soomaali ahna xili ayaa ka saaran ilaalinta amaanka wadanka” Sidaa waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale madaxweynaha Jamahuuriyada Soomaaliya waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya haddii aysan helin mushaarad rasmi ah dhibaato ay kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeedna, waxa uu sheegay in lo baahan yahay in xuquuqdooda si saami ah ay uhelaan soo loga badbaado ineey waxyeeleeyaan shacabka.

“Askariga jidka taagan taleefanaduu dadka kaqaata, jeebabkuu farteeystaa, baabuurtuu jidka u taagan yahay si uu lacag uga qaato maxaa yeelay xaqii uu lahaa ninaa qaatay, kistii yareed ee soo gaari lahayd ayaan gaarsii la’nahay seen marka u rabnaa inaan ammaan ku seexano oo uu na’ilaaliyo, markaan ognahay in Calasoow iyo Jaamac Inay qaateen mushaarkii askarigaas lasiin lahaay ama garaamkiisa, seen u rabeeynaa marka aanan diyaar u ahayn koow inaan xaqiisa siino hadiiba dadkeena qaarkiis ay bixiyeen ama dad kale ay dibadda nooga keeneen aan jidka u taaganahay, waa foolxumo taas waa in askariga kow uu helaa xuquuqdiisa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu imaanayaa xili gudaha dalka Soomaaliya ay ku suga nyihiin ciidamo shisheeye oo aad ufarabadan islamarkaasna ka socda Midowga Afrika taageerana siiya Ciidamada doowlada.

Maxay QM iyo EU ka yiraahdeen magacaabistii R/Wasaare Saacid?

Wakiilada QM iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, ayaa hambalyo ka diray magacaabistii Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Michele Cervone d’Urso iyo Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay in magaaabista Mr. Saacid ay caawimaad ka geysan doonto dib u dhiska iyo maamul wanaaga dalka ku yaalla Geeska Africa.

Waxa ay sheegeen in ay Saacid u rajeynayaan inuu ku guuleysto xilkiisa.

Michele oo ah wakiilka EU-da ee Somalia ayaa sheegtay in ururka ay matasho uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Mr. Saacid iyo dowladda cusub ee uu soo dhisi doono, oo ay sheegtay inay fileyso inay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Sidoo kale Mahiga ayaa sheegay in magacaabista Saacid ay iminka aadi doonto baarlamanka Somalia, si loo ansaxiyo.

Ergeyga QM ayaa sidoo kale ku amaanay madaxweyna Xasan Sheikh inuu wada tashi dheer oo uu dhinacyo badan la yeeshay ka sameeyay magacaabista Saacid, ka hor inta uusan ku dhowaaqin.

Waxa uu ballan qaaday in xafiiska QM ee Somalia uu si dhow ula shaqeyn doono Saacid iyo xukuumadda cusub si ay uga gudbaan caqabadaha hor yaalla.

Dibad baxyo lagu taageeray R/W Saacid oo ka dhacay Galgaduud.

Dibad bax lagu taageeraayo soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud.

Qaban qaabada Banaanbaxa ayaa waxaa la sheegay inay aheyd in la muujiyo sida shacabka reer Dhuusomareeb ay ugu faraxsan yihiin soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.

Shacab aad ufara badan ayaa isugu soo baxay Dibadbaxa kuwaasi oo aad ugu faraxsanaa soo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Goobta dibadbaxa uu ka dhacaaye ayaa waxaa ka hadlay xubno kamid ah Ururka Ahlusuna kuwaasi oo sheegeen inay soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Maamulka Dowladda ee Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud C/raxmaan Cali Maxamed oo sheegay inuu soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Shacabkii halkaasi isugu soo baxay ayaa dhamaantood u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ee shalay lasoo magacaabay.

Hadii ay Real Madrid ku guul darreysato El Clasico, La Liga wuu dhamaaday (Warbixin)

Real Madrid iyo Barcelona ayaa El Clasico ku kulmaaya caawa, taasoo loom eel dhigay kulanka ugu weyn La Liga, waxaana wax walba u muuqdaan macquul ka dib bil iyo bar ka hor, iyadoo sided dhibcood ay u dhexeyso farqiga dhibcaha labada kooxood.

Hadii ay Barcelona aruursato sedaxda dhibcood ee caawa, Catalans ayaa 11 dhibcood ka sara mari doonta Madrid – taasoo go’aamin karta sida kooxda heysata horyaalka ay u difaacato, waxayna marka laba loo eybiyo oo bar lagu daro ay u muuqataa inay inta badan lumisay Horyaalka.

Jose Mourinho ayaa soo gabagabeeyey mashaqadiisa guul la’aaneed kulankii ay la ciyaareen Deportivo La Coruna isbuucii lasoo dhaafay, waxayna ka caawineysaa inay Madrid hesho guusheedii afaraad ee isku xigta tartamada oo dhan, si kastaba hadii laga badiyo waxay sugi doonaa horyaal taariikhda gala inay ku guuleysataan maadaama 11 dhibcood ay ugu samri doonaa kooxda ay xafiiltamaan.

Sababtoo ah kooxna kuma guuleysan weli La Liga iyadoo kooxda kale ka dambeyso sideed dhibcood, sideed dhibcood, waa wixii ugu weynaa ee kooxna aysan kasoo kabsan, Valencia ayaana sanadii 2003-04 ku guuleysatay Primera Division iyadoo laf ahaanteedu ka dambeysay Madrid, waxaana ay kooxdii Rafael Benitez kasoo kabsadeen dhimasho oo markaasoo loo bixiyey “Galactico” weli ma aysan dhcin koox sidaas sameysay.

Siduu xaalku noqon doonaa hadii ay caawa guuleysato Barcelona

 

KGL Dh
Barcelona770021
Real Madrid731310

Sanadii lasoo dhaafay iyadoo uu Barcelona hugaaminaayey Pep Guardiola 10 dhibcood ayey uga samreen horyaalka, iyadoo kooxda Jose Mourinho ay horyaalka ku hanatay Rikoor ah 100 dhibcood. Ayna mudadaas ku dhaliyeen 121 gool.

Daawo Sawirrada: Munaasabaddii magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

C/Qaadir Faarax Shirdoon, ayaa maanta loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kadib muddo madaxweynaha laga sugayay arrintaas.

Munaasabaddii magacaabista ayaa waxaaa ka qeyb galay madaxda dowladda, xildhibaano, mas’uuliyiin kale iyo suxufiyiin, waxaana halkan idin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirrada munsabaadda.

Daawi Sawrriada.


Dhageyso hadal adag oo durba uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha cusub.

C/Qaadir Faarax Shirdoon, ayaa maanta loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kadib muddo madaxweynaha laga sugayay arrintaas.

Mr. Shirdoon oo lagu naaneeso Saacid, ayaa jeediyay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlay kadib magacaabistiisa, waxaana idin soo gudbineynaa khudbaddaas ee nala dhageysta.

Codka Ra’iisul Wasaaraha.

Waa kuma C/qaadir Faarax Shirdon?: Taariikhda Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Somalia ayaa maanta dalka u magacaabay ra’iisul wasaare cusub, kadib muddo laga sugayay.

Ra’sail wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Magaciisa oo Buuxa waa Cabdul Qaadir  Faraax Shirdoon (Saacid).

Wuxuu ku dhashay Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Dhuusamarreeb, sanadkii 1958-Kii.

Waxa uu waxbarashadiisii Hoose dhexe ku qaatay isla Gobolka Galgaduud.

Ra’isal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya wuxuu ka qalin-jebiyay Jaamicadii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr bishii May 1983-kii oo uu helay shahaadada loo yaqaano’ Bachelor ee dhaqaalahaa,waxaana uu si weyn wax uga garanayaa Arimaha dhaqaalaha iyo Hormarintooda.

Saacid ayaa sanadihii 1983 ilaa iyo 1985 ka soo shaqeeyey Wasaaradihii Maaliyadda iyo Beeraha oo uu ka ahaa Dhaqaaleyahan. Halkaas oo uu 1985 u wareegey dhanka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo uu la soo shaqeeyey shirkaddii lagu magacaabi jirey Bretton Woods Institutions isla markaana uu ahaa Aasaasihii iyo Maamulihii shirkadda loo yaqaano Shirdon International Ltd ilaa iyo 1991.

Dagaaladii sokeeye ee 1991kii ayuu Saacid u soo guurey Nairobi oo uu noqday Aasaasihii iyo milkiilihii Shirkadda loo yaqaano Shitraco Ltd & Shaam.

Saacid waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa shaqsi u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya oo uu bishii March 2012 loo doortay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Golaha Rajo (Rajo Forum).

Saacid waxuu leeyahay 4 caruur ah iyo xaas oo ay xaaskiisu tahay Asha Haji Elmi oo ah Xildhibaanad si weyn looga yaqaano Soomaliya oo wax badan dhanka bulshada rayidka ah ka soo shaqeysey oo ay Soomaali fara badan wax ugu qabatay.

 

DEG DEG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu dhawaaqay.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaarahiisa Kadib Maanta oo dhan latashiyo uu ku jiray.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu Xilka Ra’iisul Wasaaranimo u magaacabaay Cabdi Faarax Shirdoon oo maalmahanba loo saadaalinayay Xilkaan.

Shir jara’iid uu Madaxwaynaha Ku qabtay Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayuu ka horsheegay Warbaahinta inuu Ra’iisul Wasaarihiisa Cabdi Faarax yahay.

Wuxuu sheegay Madaxwaynaha in ra’iisul Wasaaraha uu ku soo doortay la tashiyo badan uu sameeyay.

Dhigiisa Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa soo dhoweeyay Xilka loo doortay waxaana uu sheegay in Umada Soomaaliyeed uu ugu adeegayo Xilka loo doortay.

 

Pele: Neymar xoog ahaan kuma wanaagsan inuu ka ciyaaro England Premier League.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Brazil Pele ayaa sheegay in weeraryahanka kooxda Santos Neymar uusan awood ahaan ku wanaagsaneyn inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.

20 jirkaan ayaa bilihii lasoo dhaafay looga gacan haatinaayey kooxaha Manchester United iyo Chelsea, laakiin halyeeyga ay isku wadanka yihiin uma arko inay taasi xidigaan u tahay dooq wanaagsan.

“Kuma waafaqsani Neymar inuu hada u baqoolo Yurub. Sanadii lasoo dhaafay wakiilka Neymar wuxuu la hadlay aabihi sababtoo ah wuxuu doonayey inuu aado kooxo ka dalabanaayey Engalnd,” ayuu Pele u sheegay Fox Sports.

“Markaas hadii aan arko waxaan doonayey inaan u sheego inaysan ku saxneyn inay aadaan kubada cagta Ingiriiska, sababtoo ah aad ayey ugu adag tahay Neymar, kaasoo ah ciyaaryahan weyn, xoog ahaana kuma fiicana.”

A.Cole oo raali gelin ka bixiyey oraahdii qaldaneyd ee uu ku dhaleeceeyey FA-ga.

Daafaca kooxda Chelsea  Ashley Cole ayaa raali gelin ka bixiyey qaladkii uu ku galay aalada bulshada ee Twitter, kaasoo uu si qalad ah ugu cambaareeyey go’aanka FA-ga.

Shalato ayuu daafaca bidix ee xulka England ku qoray akoonkiisa Twitter, hadalo uu ku gocanaayey go’aanka xiriirka Kubada cagta Ingiriisku ay ku sharaxayeen sababaha loo cuskaday ganaaxii afarta kulan ahaa ee la dul dhigay kabtanka Chelsea John Terry. Cole ayaana ku gocday hadalo aan wanaagsaneyn isagoo ku qoray akoonkiisa: “Hahahahaa, wax wanaagsan ayey sameeyeen #FA-gu miyaan been sheegay, “Bunchoft****” ka hor inta uusan ka tiring Twitter-ka.

Si kastaba, 31 jirkaan ayaa si lixaad leh uga cudur daartay. : “Aad ayaan uga murgoonayaa inaan wax aan gocanaayo waqtigaan ku qoro Twitter-ka. Raali gelin ayaan oraahdeydii qaldaneyd oo aan uga hadlay FA-ga.” Ayuu yiri Cole.

Conte oo ganaaxiisii Tobanka bilood ahaa laga dhigay keliya Afar bilood.

Macalinka kooxda Juventus Antonio Conte ayaa ganaxiisa laga dhimay lix bilood ka dib markii horay loo ganaanxay toban bilood. Wuxuuna xor u noqon doonaa inuu kooxdiisa leyliyo 9ka bisha December ee soo aadan.

Ninka reer Talyaani ayaa ka ganaaxnaa inuu qabto ciyaaraha kooxda Juventus, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu sameeyey qamaar sharci darro ah oo uusan ogeysiin booliska ama qolyaha Ispooriga, waana intii uu kooxda Siena macalin ugu ahaa Serie B.

Conte qareenadiisa ayaa racfaan ka qaatay ganaaxa, maxkamada ayeyna u gudbiyeen in gabi ahaan laga qaado ganaaxa saaran tababaraha balse looma ogolaan iyadoo mudada ciqaabta la yareeyey.

Antonio ayaa ganaaxiisu waqtigaan ku egyahay 8da bisha December, wuxuuna xor u yahay inuu kooxdiisa leyliyo kulanka ay 9ka Decemper la ciyaareyso kooxda Palermo.

Madaxtooyada oo lagu ururay iyo qaban qaabada magacaabista R/Wasaaraha oo gebo gebo ah.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filaayaa inuu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihiisa.

Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Somaaliya.

Xarunta madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa aad mashquul ah, waxaana halkaas isugu ururay suxufiyiin iyo diblomaasiyiin, xilli lagu wado in lagu dhowaaqo ra’iisul wasaraaha cusub ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu saacadaha soo socda ku dhowaaqi doono ra’iisul wasaaraha, sidaa darteedna uu ugu yeeray suxifyiinta iyo diblomaasiyiinta.

Xogtii ugu dambeysay ee aan helnay waxa ay sheegeysay in la magacaabi doono Cabdulqadir Farax Shirdoon oo loo yaqaan Saacid, ahna odayga ay u dhaxday xildhibaanada Caasho Xaaji Cilmi.

Waxa uu kasoo jeedaa beesha Mareexaan, waxaana lala xiriirshay xisbiga madaxweynaha ee PDP.

Amamanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay islamarkaana ciidamo ayaa la tubay meel walba, si carqalado xagga amniga ah looga hor tago.

Dadka magaalada ayaa dhegta wada taagaya oo wada shitay idaacadaha, ayaga oo ka war dhowraya magacaabista, lamana garanayo sida ay uga fal celin doonaan magacaabista marka ay dhacdo kaidb.

Wixii soo kordha haka dheeraan caasimada.net. Mahadsanid

Qarax Ismiidaamin oo lagu qaaday Ciidamada Dowladda ee Afgooye.

Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaas oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayso.

Qaraxa ayaa lagu qaaday Goob fariisin ah oo ku taala Maqaayada Baar Cismaaciil oo  ah halka Magaalada laga galo ku taala.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxan ,Warar ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah lagu qaaday Fariisinka dowlada halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta laga tuuro.

Waxaa Sido kale la sheegayaa in goobta uu yaalo Maydka qof aan ahayn Ciidamada Dowlada lakiin la sheegayo inuu ahaa Qofka Ismiidaamiyay.

Qasaaraha Macada ilaa iyo hada lakiin dad sheegay in qaraxa uu ahaa Bamka gacanta lagu tuuro uu gaystay qasaaro labo dhimasho iyo Sadax dhaawac ah.

Howlgal ayaa goobta ka soconaya Iminka waxaana Magaalada Muqdisho loo qaaday Dhaawacyada ka dhashay qaraxa.