25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Galabta aynu ka helayno Kismaayo oo ah xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay ku sii fidayaan Goobo muhiim ah oo ka tirsan Magaalada.

Ciidamada Huwanta ayaa ayaa qabsaday Airporka Magaalada Kismaayo,Saldhiga Degmada,Xabsiga dhexe,Bangiga waxaana hada iyagoo raxa raxan u socda ay si tar tartiib ah kula wareegayaan qaybaha kale ee magaalada.

Sidoo kale Ciidamada ayaa saaran Sarta dheer ee Badar oo ku dhow Cisbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo Sidaas Waxaa Shabakada Caasimada u sheegay Qof Degmada ku sugan.

Waxaa kale oo uu sheegay goobjogahan inaysan jirin gawaari Dagaal oo wataan Ciidamada gudaha magaalada ku jira lakiin waxaa uu yiri waxaa ay u socdaan Si raxan raxan ah oo 20-10 5  ayay isula socdaan Ciidankan.

Kismaayo ayaa  waxaa ay ka kooban tahay Shan Xaafadood waxaana ay dowlada la wareegtay labo xaafadood oo kamid ah oo kala ah Calanley iyo Faanoole.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inay ciidamada huwanta  galeen magaalada ayna adkeeyeen Difaacyadii banaanka Magaalada.

Mar hadii habeen ay noqoto waxaan la ogayn in Ciidamada dib ugu noqon doonaan magaalada iyo in kale lakiin Sida Muuqata waxaa ay Ciidamada damacsanyihiin in magaalada Amaankeeda ay la wareegaan Caawa.

Shaqiri: “Bayern Munich waa inay ku dhamayestaa kaalinta koowaad ee Bundesliga”

Xherdan Shaqiri ayaa ku waaniyey kooxdiisa Bayern Munich iyo ciyaaryahanada u ciyaara inay diirada saaraan ku guuleysiga horyaalka Jarmalka ka dib bilowgoodii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedka 2012/13.

Bavarian ayaa ku bilaabatay horyaalka Rikoor 100% [Boqolkiiba boqol] ah, waxayna kulankoodii adkaa guul darro 2-0 ah dhabarka u saartay Werder Bremen, halka ay Champions League 2-1 ku dubtay Valencia.

Ninka u dhashay dalka Switzerland Shaqiri ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxda ka dhisan magaalada Munich inaysan u guul darreysan sidii sanadii hore, ayna horyaalka kusoo celiyaan magaalada ugu badan ee laga heysto.

Mar la weydiiyey rajadooda ah inay horyaalka socda ku guuleysan karaan, wuxuu u sheegay bundesliga.com: “Dabcan sidaas ayaan ku rajo weynahay, laakiin weli wado dheer ayaa na hortaal.

“Hada si fiican ayey wax u socdaan. Anaga ayaa ugu dhibca badan horyaalka natiijooyinkuna waa kuwo fiican, laakiin dhamaanteen waan ognahay sida dhaqsaha ah ee kubada cagta gudaheeda wax isaga bedeli karaan. Tani waa keliya sida aan usoo diyaar garownay.

“Dabcan hada xaalku waa mid wanaagsan, laakiin muhiimadeenu waa inaan ku dhameysano kaalinta koowaad. Taas waa inay dhacdaa, waa inaan xooga saarnaa horyaalka aana si fiican ula jaan qaadnaa shaqadeena wanaagsan,. Waxaan leenahay kulamo Horyaalka Yurub ah maalmo gudahood marka kulanka xiga waa inaan fiiro gaar ah u yeelanaa.”

Arag Sawirrada Xujayda Somalida qaarokood oo gaaray Medinah.

Qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ayaa axaddii September 30 gaartay Madina Al-Munawarah:

Tirade xujeydaasi, ayaa lagu sheegay 103, waxaana halkaas geysay shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways, abaare 7:40 subaxnimo.

Tani waxa ay ka dhigeysa guud ahaan xujeyda halkaas gaartay malmihii laso dhaafay iyo kuwa maanta yimid 308 xaaji.

Xaajiga Soomaaliyeed marka u halkaas gaaro waxyaabaha loo qabto waxaa ka mid ah in la dajiyo Hotel.

Maalinta labaad waxaa loo wadaa booqashooyin sida in lageeyo UXUD ama meeshi uu ka dhacay dagalkii uxud, oo ay ku aasan yihiin saxaabadii ku shahiiday dagalkaas, waxaana ka mid ah XAMZA RC, waxaana sidoo kale la geeyaa Masjid QUBAA.

Habeenkii marka ay kasoo laabtaan xujeyda masjidka nabiga (SCW) waxaa loo qabtaa muxaadaro ku saabsan Xajka iyo sidii ay ugudan lahaayeen .

Maalmaha ay joogaan xujeyda Soomaalida Madina Al-Munawarah waa 3 malmood , kadib waxaa loo diyaariyaa safarka Makka, si ay u aadan magaaladaas barakeysan.

Daawo Sawirrada

Abdalla Hassan Ibrahim,
Caasimada Online
Madina Al-Munawarah
00996533624119
[email protected]

 

Gerrard: “Inaan Liverpool kula guuleysto Horyaal waxay noqon doontaa mucjiso”

Kabtanaka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa qirtay in baahidiisa ah inuu Reds ku hugaamiyo Premier League inta uusan soo afjarin xirfadiisa kubada cagta ay tahay wax mucjiso ku dhici doona.

Liverpool ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka England sedax sano ka hor markaasoo ay aruursatay 86 dhibcood waxayna ku guuleysteen koobab kale, laakiin Gerrard ayaa door bidaya inuu mar uun kooxda ku hugaamiyo EPL.

Laba Manchester iyo Chelsea ayaa ah kooxaha ugu  hardanka adag Horyaalka, 32 jirkaan ayaana arka in hadii uu keeno horyaalka gobolka Merseyside ay ahaan laheyd wax mucjiso ku dhaca, isagoo si gaar ah u eegaya baahida looga qabo guul uu ka gaaro England.

“Waxay noqon doontaa mucjiso hadii aan hada ka hadlo dareenkeyga ku aadan horyaal aan kula guuleysto Liverpool,” ayuu yiri Kabtan Fantastic oo dhowaan la hadlaayey barnaamijka My Liverpool Story.

“Saas ayaan dhahayaa sababtoo ah da’adeyda iyo halka aan ku dhameysaneynay sanadihii lasoo dhaafay. Iyo sidoo kale xaalad xafiiltan oo jirta.

“Hada keliya maahan United iyo Arsenal laakiin City, Chelsea iyo Tottenham. Newcastle ayaa ah kuwo si wanaagsan u ciyaara. Horyaalka Premier League aad ayey u adag tahay inay ku guuleysato koox walba.”

Man Utd oo 6 milyan oo ginni ku dooneysa xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Waxaa lasoo werinayaa in Manchester United ay ku dhowdahay inay 6 milyan oo ginni kula soo wareeto xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu ciyaaryahankaan qadka dhexe marsiiyo wado uu horay u maray aabihii Paul uuna usoo dhaqaajiyo gegeda Old Trafford.

Ince ayaa sanadii hore Blackpool uga soo biiray kooxda Liverpool wuxuuna tayadiisa kusoo bandhigay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska Championship.

20 jirkaan ayaa diirada u saarnaa intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu kooxda Swansea laakiin wuxuu nagi ku ahaa Tangerines, kuwaasoo 3-0 sabtidii ku lumiyey kooxda Cardiff.

United, ayaa si kastaba ha ahaatee, dooneysa inay xidigaan soo kaxeysato, sida uu werinaayo wargeyska England kasoo baxa ee Sunday Express.

Xidigaan ayaa yiri bishii lasoo dhaafay: “Xiisaha la ii qabo waa mid I tusinaaya inaan sameynaayo wax yaabo fiican.

“Laakiin tan keliya ee aan ku saxnaa ayaa aheyd inaan imid Blackpool sababtoo ah waxay I tusiyeen xiisahooda daaacadnimada ku dhisan.

“Wey I caawiyaan sababtoo ah ciyaaryahanku waa aniga.”