Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Galabta aynu ka helayno Kismaayo oo ah xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay ku sii fidayaan Goobo muhiim ah oo ka tirsan Magaalada.

Ciidamada Huwanta ayaa ayaa qabsaday Airporka Magaalada Kismaayo,Saldhiga Degmada,Xabsiga dhexe,Bangiga waxaana hada iyagoo raxa raxan u socda ay si tar tartiib ah kula wareegayaan qaybaha kale ee magaalada.

Sidoo kale Ciidamada ayaa saaran Sarta dheer ee Badar oo ku dhow Cisbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo Sidaas Waxaa Shabakada Caasimada u sheegay Qof Degmada ku sugan.

Waxaa kale oo uu sheegay goobjogahan inaysan jirin gawaari Dagaal oo wataan Ciidamada gudaha magaalada ku jira lakiin waxaa uu yiri waxaa ay u socdaan Si raxan raxan ah oo 20-10 5  ayay isula socdaan Ciidankan.

Kismaayo ayaa  waxaa ay ka kooban tahay Shan Xaafadood waxaana ay dowlada la wareegtay labo xaafadood oo kamid ah oo kala ah Calanley iyo Faanoole.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inay ciidamada huwanta  galeen magaalada ayna adkeeyeen Difaacyadii banaanka Magaalada.

Mar hadii habeen ay noqoto waxaan la ogayn in Ciidamada dib ugu noqon doonaan magaalada iyo in kale lakiin Sida Muuqata waxaa ay Ciidamada damacsanyihiin in magaalada Amaankeeda ay la wareegaan Caawa.