Liverpool oo hogaanka u heysa hardanka loogu jiro saxiixa xidiga Newcastle Demba Ba.

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay Anfield keensato weeraryahanka kooxda Newcastle Demba Ba, si uu maareeye ugu noqdo booska gool dhalinta ee ka maqan Reds.

Weeraryahanka reer Senegal ayaa hugaamiye u ah Magpies wuxuuna ka qaataa mushaar cadadkiisu yahay 50 kun oo ginni.

Reds oo shan gool ku xaaqday sabtidii kooxda Norwich ayaa raadsaneysa gool dhaliye ka dib markii uu ka dhaawacmay Fabio Borini kaasoo aan weli shabaqa soo taabsiin gool horyaalka ah.

Demba Ba ayaa Newcastle kusoo biiray 2011kii wuxuuna xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey kooxda u dhaliyey 17 gool.

Wuxuu ka mid yahay gool dhaliyeyaasha ugu shidan kobaha dahabka ah ee laga bixiyo Barclays Premier League isagoo ilaa iyo haatan shabaqa soo taabtay lix jeer, 7.5 milyan oo ginni ayaana lagu bur-burin karaa qandaraaskiisa.

Waxaa lasoo werinayaa in hadii xidiga laga helo ay fududahay inuu u dhaqaaqo Reds, iyadoo ay Magpies dib usoo ceshaneyso weeraryahankeedii hore ee Andy Carroll.

Horaan ayuuna wakiilka ciyaaryahan Alex Gontran ka dhawaajiyey inuusan Demba la dhacsaneyn siyaasada kooxda ee isaga ku wajahan.