27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Gantaallo laga qabtay DAACISH oo dib loogu farsameynayo Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso dib u farsamaynta gantaallo ay horay uga qabatay kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaasoo la helay ka hor intii aysan kooxdu ku guuleysan dhammaystirka farsameyntooda.

Gantaalladan ayaa loo arkaa inay yihiin hub muhiim ah oo haddii dib loo farsameeyo, loona adeegsado laga gaari karo ujeeddooyin amni oo muhiim u ah maamulka Puntland.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in dowladdu u wakiilan doonto farsamaynta gantaalladan khubaro aqoon iyo waayo-aragnimo u leh hubka noocan ah. Ujeeddadu waxay tahay in laga faa’iidaysto gantaalladan halkii la burburin lahaa ama si kale loo khasaajin lahaa. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqon karta dadaallada Puntland ay ku xoojinayso awoodda difaaceed.

Ilo madax-bannaan ayaa xaqiijiyay in gantaalladan ay yihiin kuwo sahlan marka loo eego qiimaha ay ku kacayaan, balse haddii si sax ah loo farsameeyo ay yeelan karaan awood aad u weyn.

Waxaa la sheegaya in qaarkood ay gaarayaan masaafo dhan 700km, taasoo ka dhigaysa inay yihiin kuwo khatar ah haddii loo isticmaalo ujeeddooyin xun, balse sidoo kale noqon kara difaac muhiim ah haddii si mas’uuliyadi ku jirto loo adeegsado.

Inkastoo xogahan ay xooggan yihiin, haddana saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan wax uga ogaano arrintan ayaa ka gaabsaday inay si toos ah uga hadlaan. Waxa ay taas muujinaysaa dareen amni oo weli saaran arrintan, iyadoo laga yaabo in ay jiraan xog dheeraad ah oo aan weli la shaacin.

Dib u farsamaynta hubkan waxaa lagu tilmaami karaa fursad Puntland u heshay sidii ay si waxtar leh uga faa’iidaysan lahayd qalab uu cadowgu horay ugu tala-galay inuu dhibaato ku geysto.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Sidaa darteed, dib u adeegsiga gantaallada la qabtay ayaa noqon kara mid dhanka amniga ka xoojiya Puntland haddii loo maareeyo si xirfadeysan oo hufan.

Afhayeenka gaashaandhiga oo ka bad-baaday isku day dil – Halkee lagu dili rabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu maanta ka badbaaday isku day di loo halis geliyey naftiisa.

Afhayeenka ayaa ku goodiyey in cid kasta oo ku lug-yeelata isku daygaas uu maxkamad la tiigsan doono, isku daygaan ayaa ka dhacay degmada Raagaceelle ee gobolka Sh/Dhexe oo Sheekh Abuukar uu ku suganaa maalmahaan.

“Isku day dil qorshaysan ayuu maanta allah iga baxshay, allaah ayaana mahadaas leh. Cid kasta oo ku lugyeelata is ku dayga dilkaygana maxkamadda awooda u leh ayaan la tiigsan doonaa insha allh,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin Maxamuud.

Afhayeenka ayaa howlgab ahaa tan iyo markii uu hoggaanka wasaaradda la wareegay wasiir Axmed Macalin Fiqi, waxaana lala wareegay shaqadiisii, iyadoo aan xilka laga qaadin.

Wasiir Fiqi iyo wasiiru dowlaha wasaaradaas ayaa qabta shirarka jaraa’id iyagoo ka warbixiya waxyaabihii ay aheyd in Afhayeenku uu qabto, lamana oga sababta ay ula wareegeen shaqadii afhayeenka wasaaradda.

Labo-Xidigle Sheekh Abuukar ayaa muddo dheer hayey xilkaan, wuxuuna toos uga warbixi jiray howlgallada Khawaarijta ee dalka ay ka wadaan ciidamada xoogga dalka, wuxuuna ahaa afhayeen idman.

Iyadoo horay loola wareegay shaqadiisii ayuu hadda ka cabanayaa in dil qorsheysan loo maleegay, inkastoo uusan faahfaahin intaas dheer ka bixin qaabkii loo qorsheeyey dilka uu ka badbaaday.

Sheekh Abuukar ayaa ah nin wadaad ah oo aad u ixtiraam badan, faham badan ka heysta diinta, si dhab ahna ugu dhiirada dagaalka Khawaarijta, dariiqo ahaan wuxuu ka tirsan yahay Culimada Suufiyada oo dagaalka Khawaarijta daacad ka ah.

Ninkaan oo ciidanka qortay markii uu dhacay qaraxii lagu hoobtay ee Soobe1 sanadkii 2017-kii ayaa qaba tababar sare, wuxuuna ka tirsanaa guutada 14-ka October ee ka howlgasha gobolka Sh/Hoose, ka hor inta aan loo dalacsiin Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sawirro: XASAN oo daah-furay gogosha wadatashiga qaran – Yaa ka qeyb-galay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay gogosha Wadatashiga Qaran, inkasta oo ay qaadaceen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa xusay dadaalka dowladda ee hirgelinta nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu doortaan hoggaankooda. Waxa uu sheegay in dhinacyada siyaasadeed ay ku mideysan yihiin in aan dib loogu noqon nidaamkii hore ee doorasho dadban oo dhaawacay hufnaanta iyo dimuqraadiyadda.

“Gogoshan waxay muujinaysaa sida aan mudnaanta u siineyno dhagaysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Annagoo dowlad ah ayaan raadinayna wadahadal iyo wadatashi — arrin laga waayey hoggaamiyayaashii hore. Albaabka wadatashigu wuu furan yahay, cid walbana waa lagu casumay.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in taageerada beesha caalamku ay muhiim tahay, balse mas’uuliyadda ugu weyn ee dhismaha dowladnimada ay saaran tahay shacabka iyo hoggaanka siyaasadeed ee dalka.

“Caalamka wuu naga taageeray wixii aan u baahnayn, balse waxaa harsan shaqo inaga inoo taalla – waana in aynu Soomaali ahaan si dhab ah isula meel dhigno aayaha dalkeenna,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shacabka ugu baaqay midnimo iyo wadajir, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo kala qaybin kara bulshada. Waxa uu mar kale adkeeyay in ujeeddada dowladda ay tahay doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf qaran ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

“Su’aalaha ka taagan doorashada qof iyo cod waxaa lagu xallin doonaa wadahadal dhab ah,” ayuu yiri.

Gogosha waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, siyaasiyiin hore, ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo marti sharaf kale.

Madaxdii hore iyo mucaaradka ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed, Jubaland iyo Puntland ayaa horay u shaaciyey in aysan ka qeyb-galeyn, iyagoo ku eedeeyay gogoshan inay tahay mid lagu xoojinayo awoodda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo in mucaaradka looga saaro saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashada guud ee 2026.

Inkastoo gogosha Wadatashiga Qaran ay tahay fursad muhiim ah oo lagu mideyn karo aragtiyaha siyaasadeed ee dalka, haddana ka maqnaanshaha mucaaradka iyo maamul goboleedyo muhiim ah ayaa muujinaya in weli loo baahan yahay kalsooni dib u dhis iyo wadahadal dhab ah si loo helo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sawirro: IRAN oo si xun u garaacday Haifa iyo Tel Aviv kadib markii difaaca Israel…

Tehran (Caasimada Online) – Gantaallo ay Iiraan soo ridday ayaa waaberigii Isniinta ku dhuftay magaalada Tel Aviv iyo dekedda Haifa ee Israa’iil, iyagoo dilay ugu yaraan siddeed qof, burburiyay guryo, taasoo keentay in wasiirka difaaca Israa’iil uu uga digo shacabka Tehran inay “dhowaan bixin doonaan qiimaha weerarkaas.”

Iiraan ayaa sheegtay in baarlamaankeedu diyaarinayo hindise sharciyeed looga baxayo heshiiska Caalamiga ah ee Kahortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT), inkastoo ay xustay in Tehran weli si buuxda uga soo horjeedo horumarinta hubka wax gumaada. Meelmarinta sharcigan ayaa laga yaabaa inay qaadato toddobaadyo.

Waxaa la aaminsan yahay in Israa’iil ay haysato kayd weyn oo hub nukliyeer ah, hase yeeshee ma xaqiijiso mana beeniso jiritaankiisa. Waa waddanka keliya ee Bariga Dhexe ee aan weli saxiixin heshiiska NPT.

Milateriga Israa’iil, oo weerarro cir ah ku beegsaday hoggaanka nukliyeerka iyo ciidamada Iiraan, ayaa Isniintii sheegay in ay dileen afar sarkaal oo sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka, oo uu ku jiro madaxa laanta sirdoonka ee Ilaalada Kacaanka.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa intaas ku daray in toddoba gantaal oo ka mid ah ku dhowaad boqol oo ay Iiraan habeenkii ridday ay ku dhaceen gudaha Israa’iil. Afhayeen u hadlay milatariga ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay haysato gacan ku haynta buuxda ee hawada Iiraan isla markaana ay burburisay in ka badan saddex meelood meel ka mid ah goobaha ay Iiraan ka tuurto gantaallada dhul-ka-dhulka ah.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhaawacmay Israa’iil weerarkii habeenkii—kaasoo qeyb ka ah duqeymo ay Iiraan ku jawaabtay kadib weerarro Israa’iil ku beegsatay barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ridada dheer ee Iiraan.

Iiraan, oo wajahaysa xaaladdeeda amni ee ugu liidatay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, ayaa sheegtay inay xirtay dad badan oo lagu eedeeyay inay yihiin “jasuusiin” la shaqeeya Israa’iil tan iyo markii dagaalku billowday.

Lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday ugu yaraan 10% marka loo eego dollarka Mareykanka tan iyo weerarkii Jimcihii ee Israa’iil ay ku qaaday cadowgeeda qadiimiga ah.

Walwalka laga qabo inuu dagaalku sii ballaarto ayaa dul hoganaya shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha G7 ee ka socda Canada. Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii muujiyay rajo heshiis, balse dagaalka—oo galay maalintiisii afraad—wuu socday oo ma muuqan wax degganaan ah.

Deganaanshaha juqraafiyeed ee Bariga Dhexe ayaa mar horeba khalkhal galay, kaddib markii uu dagaal culus ka qarxay Gaza oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Tirada guud ee dadka ku dhintay Israa’iil weerarrada gantaallada Iiraan ayaa hadda gaartay 24 qof, dhammaantoodna waa dad rayid ah. Si kastaba waxaa la rumeysan yahay in tirada ay intaas aad uga badan tahya.

Dhinaca Iiraan, dhimashada ayaa gaartay ugu yaraan 224 qof, iyadoo 90% ay yihiin rayid, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in isbitaalka Farabi iyo nawaaxigiisa oo ku yaalla gobolka Kermanshah ee galbeedka dalka ay si xun u saameeyeen gantaallo ku dhacay, taasoo keentay burbur hantiyadeed oo baaxad leh.

Dhinaca Israa’iil, howlgalada samatabbixinta ayaa ka socday magaalada Haifa, halkaas oo ilaa 30 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen adeegyada gurmadka degdegga ah. Dab xooggan ayaa ka kacay warshad koronto u dhow dekedda.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay dhowr gantaal oo dul maraya Tel Aviv, iyadoo qaraxyo laga maqlay halkaas iyo magaalada Qudus.

Guryo badan oo ku yaalla xaafad si weyn loo deggan yahay oo Tel Aviv ah ayaa la burburiyay, daaqadaha hoteello iyo guryo u dhow laanta safaaradda Mareykanka ayaana qarxay. Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in dhismaha uu gaaray waxyeello yar, balse aysan jirin wax dhaawac ah oo gaaray shaqaalaha.

“Waa argagax”

Guydo Tetelbaun, oo ah 31-jir cunto kariye ah, ayaa ku sugnaa gurigiisa Tel Aviv markii digniinaha la bixiyay abbaaro 4-tii subaxnimo (0100 GMT).

“Sida caadiga ah, waxaan u galnay qolka gabbaadka oo ku yaalla dhabarka guriga,” ayuu yiri. “Daqiiqado gudahood, albaabka gabbaadka ayaa qarxay.”

“Waa cabsi badan sababtoo ah wax kasta waa la’ogaan la’yahay—waxay noqon kartaa bilowga waqti dheer oo sidaan u eg, ama way kasii dari kartaa, ama rajadeennu ha ahaato in ay hagaagto. Laakiin waxa aan la hubin ayaa ah waxa ugu cabsi badan.”

Gantaallada waaberiga ayaa sidoo kale ku dhacay agagaarka Suuqa Shuk HaCarmel ee Tel Aviv—suuq si weyn loo jecel yahay oo caan ku ah iibinta khudradda iyo miraha cusub.

Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu adeegsaday farsamo cusub oo keentay in nidaamyada difaaca ee Israa’iil ay si qalad ah isugu dhacaan, taasoo suurtagelisay in bartilmaameedyo badan si toos ah loo garaaco. Faahfaahin dheeraad ah lama bixin.

Milateriga Israa’iil weli kama uusan jawaabin codsi warbaahintu u dirtay oo ku saabsan weerarrada.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku yiri bayaan: “Kali-taliska isla weyn ee Tehran wuxuu isu beddelay dilaa fulay ah oo beegsanaya rayidka Israa’iil si uu u cabsi geliyo IDF oo burburinaysa awooddiisa.”

“Shacabka Tehran waxay bixin doonaan qiimaha — waana dhowaan.”

Markii dambe, Katz ayaa soo saaray bayaan kale oo uu ku sheegay in Israa’iil aysan doonaynin in si ula kac ah loo waxyeelleeyo shacabka caasimadda Iiraan.

Madaxda G7 oo shiraya

Hoggaamiyeyaasha dalalka G7 ayaa Axaddii ku kulmay buuraleyda Canadian Rockies, iyadoo colaadda Israa’iil-Iiraan ay ahayd qodobka ugu muhiimsan ajandaha.

Kahor intii uusan ka dhoofin Washington, Trump ayaa la weydiiyay waxa uu sameynayo si xaaladda loo dejiyo. “Waxaan rajeynayaa in heshiis la gaaro. Waxaan qabaa in waqtigu yahay hadda,” ayuu u sheegay warfidiyeenka. “Mararka qaar waa inay dagaallamaan si wax walba u cadaadaan.”

Qiimaha saliidda ayaa hoos u dhacay Isniintii kadib markii uu Jimcihii sare u kacay 7%, iyadoo sababtu tahay in weerarradii Israa’iil iyo Iiraan aysan saameyn ku yeelan goobaha wax-soo-saarka iyo dhoofinta saliidda. Inkastoo maal-gashtayaasha ay weli feejigan yihiin, suuqyada saamiyada iyo lacagaha ee Aasiya wax isbeddel weyn laguma arkin.

Israa’iil ayaa sheegtay in ol’olaha milatari uu sii xoogeysan doono maalmaha soo socda.

Trump ayaa bogaadiyay weerarka Israa’iil, wuxuuna beeniyay eedeymaha Iiraan ee sheegaya in Mareykanku ku lug leeyahay. Waxa uu sidoo kale uga digay Tehran in aysan fidin weerarkeeda si ay ugu beegsato danaha Mareykanka.

Trump ayaa marar badan sheegay in Iiraan ay joojin karto dagaalka haddii ay oggolaato xayiraado adag oo lagu saaro barnaamijkeeda nukliyeer—kaasoo Iiraan ku tilmaantay mid loogu talagalay ujeeddooyin nabadeed, balse reer Galbeedku iyo hay’adda IAEA ay sheegayaan in laga yaabo in loo adeegsado samaynta hub nukliyeer.

C/qaadir Muumin oo nolol uga baxsaday Calmiskaad

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu yahay amiirka guud ee ururka ayaa ka baxsaday buuraha Calmiskaad oo markii hore saldhig u aheyd ururka Daacish, sida uu shaaciyay maamulka Puntland.

Afhayeenka howl-galka Hillaac, General Maxamuud Axmed Faadhigo oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu baxsaday Cabdulqaadir Muumin xilli ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen 98% dhulka buuraha Calmiskaad, halkaas oo ururkaasi saldhigyo xooggan ku lahaa muddo dheer.

Afhayeenka ayaa sheegay in xogaha laga helay hay’adaha sirdoonka caalamiga ah ay cadeeyeen in Cabdulqaadir uu nolol uga baxay buuraha Calmiskaad. Inkasta oo Afhayeenku uusan caddeyn waqtiga saxda ah ee uu baxsaday horjoogaha Daacish, haddana wuxuu xaqiijiyay inuusan hadda ku sugnayn Calmiskaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku-xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah madaxa howl-gallada Daacish, weli ku dhuumaalaysanayo buuraleydaasi, isagoo rajo ka muujiyay in la qaban doono.

Warkan ayaa yimid saacado un kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu shaaciyay in la dhameystiray wajigii saddexaad ee howl-galka ka dhanka ah Daacish, isla markaana lagu guda jiro wajiga afaraad. Wajigan cusub, ayuu sheegay madaxweynuhu, in uu xooga saari doono baarista iyo ciribtirka kooxaha firxadka ah ee ku dhuumaalaysanaya deegaannada fog-fog.

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray in ciidamada Puntland ay buuraha Calmiskaad kula dagaalameen xubno ajaanib ah oo kasoo kala jeeda qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika. Waxa uu ku tilmaamay dagaalkaasi mid ka hortagay khatar weyn oo ku socotay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, hay’adaha ammaanka Puntland ayaa dhawaan gacanta ku dhigay nin caddaan ah oo katirsanaa ururka Daacish, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee ajaanib caddaan ah si toos ah nolol lagu qabto intii uu socday howlgalka Hillaac.

Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahanyahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.

Mucaaradka oo diiday ka qeyb-galka shirka maanta ka furmaya Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay si rasmi ah iskaga diideen ka qeyb-galka shirka uu shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo Madaxtooyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale aysan ka qeyb-galeyn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo si weyn isku hayaan hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Madashaan Dr. Maxamed Aadan Koofi oo bixiyay wareysi gaar ah ayaa sheegay inay dhammaatay xilligii la fadhiisan lahaa gogol wada-tashi, isla markaana loo baahan yahay gogol si wadajir ah oo looga doodi karo xal u helida arrimaha cakiran ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gogosha uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh aysan si rasmi ah u cadeyn ajendaheeda, xilli mucaaradka uu diidan yahay hanaanka doorasho ee ku howlan tahay xukuumadda iyo wax ka beddelka dastuurka.

“Tareenka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh wadada ayuu ka baxay furfur uu u baahan yahay, Latashi saaxiibadiisa hala sameeyo anaga wadahadal siyaasadeed ayaan ka doonaynaa,” ayuu yiri Xoghaye Koofi.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu diyaar uma ahan gogol ay Soomaali kamaqan tahay, diyaarna uma ahan inay ka qeyb gasho gogol lagu sii kala fogeenayo Soomaalida, Waqtigii wadatashiga wuu dhammaaday, waxa hadda ay Soomaaliya u baahan tahay waa wadahadal siyaasadeed oo dhab ah.”

Dadka dhaliilsan gogoshan waxay ku eedeynayaan dowladda iyo hoggaankeeda in ay u adeegsaneyso wada-hadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballan-qaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoodda.

Xogta shirkado la marsiiyey lacag malaayiin dollar ah oo ay DAACISH leedahay

0

Garoowe (Caasimada Online) — Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in malaayiin dollar ay Daacishta Soomaaliya marsiiyeen shirkadaha isgaarsiinta gudaha, iyaga oo isticmaalaya Simcards dhowr ah.

Xogta lacagahan ayaa la helay kadib markii ciidamada Puntland gaareen Calmiskaad oo saldhig u aheyd maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayaa shaaciyay in kooxaha geysta falalka ammaan xumo ay adeegsadaan taleefanada shirkadaha deegaanka, isagoo xusay in la helay xog muujinaysa in SIMs-ka shirkadahaasi ay qayb ka yihiin lacagaha malaayiinta ah ee kooxaha argagixisada, sida Daacish, ay u kala diraan gudaha iyo dibadda dalka.

“Malaayiin transaction ayaa la helay oo taleefano dhexmaray, shirkadahaan ay leeyihiin, lacagahaasna dibedda ayaa looga saaray loona diray Afrika iyo Asia,” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo sheegay in socdaalkiisii dhawaan ee deegaanka Calmiskaad lagu helay xog muhiim ah oo la xiriirta isticmaalka taleefannada gacanta ee ay adeegsadaan kooxahaasi.

Madaxweynaha ayaa si adag ula hadlay shirkadaha isgaarsiinta, isagoo xusay in shirkadahaasi aysan weli u hoggaansamin mas’uuliyadda kaga aaddan sugidda amniga, gaar ahaan marka laga hadlayo xogaha muhiimka ah ee dowladda uga baahan tahay baaritaanada la xiriira adeegyada muhiimka ah ee ay bixiyaan.

“Marka aad tiraahdo xaalad amni baa jirtee xogtaan noo gudbiya, waxay ku leeyihiin waa ammaano. Laakiin haddii qof yar oo dalka waxyeello u geysan kara uu hayo xogtaas, aniguna aan ahay mas’uul dowladeed aan garanayn, sow taasi khatar ma ahan?,” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladdu ma dooneyso inay xoog ku maquuniso shirkadaha, balse waxaa loo baahan yahay in la yeesho iskaashi dhab ah oo lagu ilaalinayo amniga bulshada.”

Kooxaha argagixisada ah, sida Daacish oo kale ayaa waxay lacagaha baada ah ee ganacsatada iyo bulshada kale ee Soomaaliyeed ka qaado u isticmaala Simcards-ka ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta ee gudaha.

Maxaa ka jira Macawiisleydii beesha Xawaadley in ay isku dhiibeen Al-Shabaab?

0

Balcad (Caasimada Online) – Waxaa saacadii lasoo dhaafay si weyn baraha bulshada loogu faafiyay in ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda ee ku sugan aagga deegaanka Xawaadley ay isku dhiibeen Al-Shabaabka soo galay halkaasi, taas oo dhalisay hadal xooggan.

Warkan oo si weyn u faafay ayaa waxaa haatan ka hadlay Siraaji Sheekh Isxaaq oo kamid ah saraakiisha ku sugan duleedka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna beeniyay in maleeshiyaad deegaanka ah ay isku dhiibeen kooxaha Khawaarijrta.

Siraaji ayaa shaaca ka qaaday in wararkaasi ay faafiyeen isla Al-Shabaab qudhooda, ujeedkoodana uu yahay in lagu marin habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan kuu sheegayaa in waxaasi aysan waxba ka jirin, ayna yihiin mala awaal dadka lagu marin habaabinayo, ayna soo abaabuleen kooxaha nabad-diidka ah” ayuu yiri Siraaji.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa caddeynayaa saraakiisha ciidamada Afjar way badan tahay oo annagaa xukunno hadda aan kula hadlaayo waxaan joognaa meel aan sidaas uga fogeyn nawaaxiga degmada, waxaa kale oo ku sugan ciidankii amniga & kuwa deegaanka”.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in weli Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaanka, ayna dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah, gaar ahaan beeraleyda.

“Tan iyo markii dib looga soo baxay degmada Xawaadley waxay nimankan isku soo ballaariyeen tuulooyinka hoos yimaada degmada, waxayna bilaabeen inay handadaan dadka iska masaakiinta ah ee beeraleyda ah” ayuu mar kale yiri sarkaalka hadlay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dhankooda ay wadaan abaabul culus, ayna qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan fariisimihii ay horay uga soo baxeen.

Xawaadley ayaa dhowaan uun u gacan gashay kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay deegaankaasi kasoo baxeen ciidamada Burundi ee muddada dheer ku sugnaa halkaasi, waxaana sababta ay ku sheegeen kadib fatahaado ku dhuftay halkaasi.

Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada ciidamada dowladda, kuwa deegaanka ee loo yaqaano Afjar iyo kooxda Al-Shabaab.

Guud ahaan Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana baabul wadda dowladda dhexe, si gobolka looga saaro Al-Shabaab.

Deni oo ka digay weerar uu sheegay in DF qorsheyneyso

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ay weerar ku qaadyo Jubaland, kaddib iska horimaadkii dhacay bishii December 2024 ee dhex maray ciidamo federaal ah iyo kuwa Jubbaland, deegaanka xuduudka ah ee Raaskambooni.

Deni oo hadal dadweyne ka jeediyay Axaddii ayaa muujiyay walaac ku saabsan saamaynta ka dhalan karta iska horimaadkii dhacay 11-kii December, isagoo ku baaqay in la helo wadahadal siyaasadeed oo dhex mara dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed.

“Waxaan si weyn uga walaacsanahay weerarkii ka dhacay Raaskambooni,” ayuu yiri Deni. “Waxay ahayd dhacdo culus oo halis u ah in dib loo galo khaladaadkii hore.”

11-kii December 2024, dagaal hubeysan ayaa ka dhex qarxay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa daacadda u ah maamulka Jubbaland, magaalada Raaskambooni oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose, meel muhiim ah oo u dhow xadka Kenya.

Ciidamada Jubbaland ayaa dib ula wareegay magaalada saacado kaddib dagaalka. Qaar ka mid ah ciidanka dowladda ayaa la sheegay in ay u gudbeen dhanka Kenya, halka warar aan la xaqiijin ay tilmaamayaan in labada dhinac ay kala kulmeen khasaare. Dowladda federaalka ayaan weli si rasmi ah u shaacin faahfaahinta howlgalka iyo natiijadiisa.

Raaskambooni waxay leedahay muhiimad istiraatiiji ah sababo la xiriira goobteeda juquraafiyeed iyo doorarkeedii hore ee howlgal militari oo ay qayb ka ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye taageerayay.

Madaxweyne Deni ayaa mar kale ku celiyay in Puntland ay garab taagan tahay nidaamka federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in la dejiyo xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

“Puntland waxay taageersan tahay go’aannada maamulka Jubbaland,” ayuu yiri Deni. “Waxaan uga digeynaa cid kasta in la isku dayo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo xoog ama in mucaaradnimada lagu fasirto khaa’inimo. Wadahadalku waa tiirka mideynta qaranka.”

Inkasta oo Deni uu si cad u taageeray dowlad-goboleed kale oo federaal ah, haddana wuu ka gaabsaday inuu soo jeediyo dalabyo gaar ah, isagoo halkii diiradda saaray baahida loo qabo is-xakameyn iyo wadahadal siyaasadeed.

Khilaafaadka DF iyo Dowlad-goboleedyada

Nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya culaysyo joogto ah oo ka dhashay muranno la xiriira maamulidda kheyraadka, hannaanka doorashooyinka, iyo masuuliyadda amniga. Khilaafaadyo siyaasadeed iyo iska horimaadyo ciidan ayaa marar badan wiiqay xiriirka dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dooday in dadaallada lagu gaarsiinayo awoodda dowladda dhammaan gobollada dalka ay salka ku hayaan dastuurka. Hase yeeshee, qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland ayaa si gaar ah u diiday fasiraadda dowladda ee awoodaha federaalka.

Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal arrimaha Soomaaliya ayaa ka digay in khilaafaadkaasi haddii aan si nabadeed loo xallin ay wiiqi karaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka.

Wakiillada beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Urur-Goboleedka IGAD, ayaa si isdaba joog ah ugu baaqay wada-shaqeyn iyo xal nabadeed oo dhexmara dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Deni ayaa isna hadalkiisa ku xoojiyay muhiimadda wadahadalka, isagoo uga digay in la isku dayo in aragti gaar ah lagu cabburiyo inta kale.

“Ma jiro dhinac awood u leh inuu rabitaankiisa ku maquuniyo kuwa kale,” ayuu yiri Deni. “Wadada keliya ee waarta waa is-ixtiraam iyo wadahadal joogto ah.”

Ilaa Axaddii, dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax jawaab ah oo rasmi ah oo ku aaddan hadallada Madaxweyne Deni. 

Muungaab oo shaxda la fahmay Xasan Sheekh, kadib weeraray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muugaab) oo maalmo kahor uun lasoo magacaabay ayaa si toos ah ula jaanqaaday Madaxweynaha, isagoo la fahmay shaxda la xiriirta dadajinta doorashooyinka.

Muungaab oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday xarunta degmada Yaaqshiid ayaa sii adkeeyay go’aanka uu qaatay Xasan ee la xiriira qabashada doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay leeyihin madaxda dooran.

“DFS waxay go’aansatay waddankan inuu aado doorasho qof iyo cod ah, waxaana go’aanka waddanka iska leh dadka ay doorteen Baarlamaanka,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay in yimaadaan miiska wada-hadalka, ayna soo bandhigaan waxa ay isku hayaan, maadaama la galayo doorashooyin adag, tartankuna uu furan yahay.

“Mucaaradka bustada ku hoos jiro waxaan leenahay gurigiina iska fadhiya, haddii aad haysaan aragti wanaagsan tega miiska wada-hadalka, shacabka Muqdisho iyo maamulkooda way soo jeedaan” ayuu suu raaciyay.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku celiyay in maamulka gobolka uu ka shaqeyn doono sidii caasimada looga qaban lahaa doorasho ay shacabka kusoo doortaan hoggaankooda, si looga gudbo magacaabista maamullada degmooyinka iyo kuwa gobolka Banaadir.

“Aniga waxaan ogolahay in magaaladan ay ka dhacdo doorasho deg-deg ah marka waxaad ogaataan in isdiiwaangelinta ay tahay xaq aad leedihiin” ayuu mar kale yiri Muungaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta qorshuhu yahay inuu furmo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo looga arrinsan doono is mariwaaga taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dadka dhaliilsan gogoshan waxay ku eedeeyeen dowladda  federaalka iyo hoggaankeeda in ay u adeegsaneyso wada-hadalladan sidii ay ugu xoojin lahayd awooddeeda, isla markaana uga reebi lahayd mucaaradka saaxadda siyaasadda, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee la filayo sanadka 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo mar kale xilka la wareegay 2022, ayaa ballan-qaaday in dalka loo gudbin doono nidaam doorasho oo ku saleysan “hal qof, hal cod” taasoo beddeli doonta habka qabiilka ku saleysan ee doorashooyinka horey loogu qaban jiray.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafyo siyaasadeed oo qoto dheer ayaa weli u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo kasoo horjeestay wax-ka-beddelka dastuurka iyo eedeymo ay u jeediyeen Muqdisho oo ku saabsan urursiga awoo

Mareykanka oo Itoobiya iyo Jabuuti ku daraya liiskii horey loo geliyey Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ka fiirsanaya in si weyn loo ballaariyo xayiraadda socdaalka ee horey loo saaray dalal ay ku jirto Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in gelitaanka Mareykanka laga mamnuuco ilaa 36 waddan oo dheeraad ah, sida lagu sheegay warqad sir ah oo kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dukumintigan oo uu helay wargeyska The Washington Post, ayaa waxaa Sabtidii saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Marco Rubio, wuxuuna dejinayaa muddo 60 maalmood ah oo loo qabtay waddamada la bartilmaameedsanayo si ay ula jaanqaadaan shuruudo uu Mareykanku dejiyey—haddii kale, waxay wajihi doonaan xayiraado fiisayaal ah oo buuxa ama qayb ahaan ah.

Liiska waxaa ku jira 25 dal oo Afrikaan ah—oo ay ku jiraan xulafo muhiim ah sida Masar, Itoobiya iyo Jabuuti—iyo sidoo kale waddamo ku yaalla Aasiya Dhexe, Kariibiyaanka, iyo Baasifigga. Dalal kale oo lagu magacaabay warqadda waxaa ka mid ah Suuriya, Cambodia, Kyrgyzstan iyo Vanuatu.

Warqadda ayaa sheegaysa in waddamada la tixgelinayo ay ku guuldareysteen inay soo saaraan dukumentiyo aqoonsi oo lagu kalsoonaan karo, oo musuqmaasuq baahsan uu ka jiro diiwaannada muwaadiniinta, ama ay leeyihiin tiro aad u badan oo dadkooda ah oo waqtiga fiisaha dhaafay kuna sii sugan gudaha Mareykanka si sharci darro ah.

Sababo kale oo la xusay waxaa ka mid ah: bixinta dhalashada iyada oo aan la deggenayn dalka (citizenship-by-investment), iyo eedeymo ku saabsan “falal ka dhan ah Yuhuudda iyo Mareykanka” oo lagu sameeyay gudaha Mareykanka.

Waddamada ayaa ka fursan kara cunaqabateynta haddii ay ugu dambeyn Arbacada 8:00 subaxnimo (1200 GMT) soo gudbiyaan qorshe ficil ah, ama ay oggolaadaan inay qaabilaan muwaadiniin saddexaad oo Mareykanku masaafuriyay, ama ay galaan heshiis “dal saddexaad oo ammaan ah.”

Tallaabadan cusub ayaa daba socota amar madaxweyne oo lasoo saaray 4-tii Juun, kaasoo si buuxda u xayiray socdaalka dadka ka imanaya 13 waddan—oo ay ka mid yihiin Afghanistan, Iran iyo Soomaaliya—iyo xayiraado qayb ah oo lagu soo rogay 7 dal oo kale. Haddii la hirgeliyo, qorshahaan cusub wuxuu noqonayaa tallaabo weyn oo hor leh oo lagu adkeynayo siyaasadda socdaalka Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diidday inay faallo ka bixiso wadatashiyada gudaha, halka Aqalka Cad aanu weli ka jawaabin su’aalaha warbaahinta.

Xisbiga Dimoqraadiga iyo ururrada u dooda xuquuqda madaniga ah ayaa si degdeg ah u cambaareeyay qorshahan, iyagoo ku tilmaamay inuu la mid yahay xayiraadihii hore ee Trump, isla markaana uu si gaar ah u beegsanayo waddamada Afrikada iyo Kariibiyaanka.

Inkasta oo Madaxweynihii hore Joe Biden uu meesha ka saaray xayiraadihii socdaalka ee Trump intii uu xilka hayay, Trump ayaa ballan qaaday inuu dib usoo celin doono siyaasaddaas—xataa isagoo ballaarinaya.

Maalintii caleema-saarka sanadkan, Aqalka Cad ayaa soo saaray amar fulineed oo amraya hay’adaha dowladda in ay aqoonsadaan waddamada leh “nidaamyo liita oo lagu hubiyo dadka safarka ku imanaya”—tallaabadan ayaana dhidib u taagtay qorshahan cusub.

Trump ayaa horey ugu hanjabay in siyaasaddan ay “ku soo noqon doonto si ka weyn sidii hore.” 

Xundubey oo si weyn u taageeray qorshaha Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa taageero wayn u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo soo dhaweeyay qorshihiisa ku aadan doorashooyinka dalka.

Xundubey mar ahaa mucaarad ayaa haatan si weyn u boggaadiyay in dalka la gaarsiiyo qof iyo cod, wuxuuna farriin culus u diray mucaaradka diidan qorshaha Villa Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee amniga ayaa kula taliyay siyaasiyiinta mucaaradka inay yimaadaan miiska wada-hadalka, ayna aragtidooda kusoo bandhigaan gogosha u dhigay Madaxweynaha.

“Gogosha uu Madaxweyne Xasan Sheekh fidiyay oo hadda taalla cid kasta oo waddankan u haysa waxtar ha timaado, qofkii imaan waayo waxaan u arkeenna in uusan aragti haynin, mana haboona inuu luuqyada ku war-wareegsado” ayuu yiri Xasan Xundubey Jimcaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay maqaamka Muqdisho, isaga oo sheegay in lagu gaari karo in dadkeeda ay soo doortaan hoggaankooda, si ay iyaga usoo xushaan wakiiladooda.

“Waxaan u baahanahay magaaladan inay doorato dadkii hoggaamin lahaa, si maqaamka ay leedahay maqaam ay jaranjaro ugu korto, si ay ugu gaarto hadafkeeda” ayuu sii raaciyay.

Xasan Xundubey Jimcaale oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan amniga caasimada uu yahay mid wanaagsan, isla markaana ay martigelin karto doorasho nabad ah, isaga oo uga mahadceliya hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waa xilligii ugu fiicnaa amniga, waxaana uga mahadcelineynaa ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan iyo hoggaankooda, waana xilli ay geli karto doorasho nabad ah oo la hubo, sidaas darteed aan ilaashano amniga” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli khilaaf uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, waxaase laga war sugayaa shirka uu baaqay Xasan Sheekh oo saacadaha soo socda ka furmi doono Muqdisho.

Sawirro: Dagaalka IRAN iyo Israel oo sii xoogeystay iyo Tel-Aviv oo u ekaatay Gaza

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Iran ayaa Axaddii iyo aroonimada Isniinta isk qaaday weerarro cusub oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, taasoo sii xoojisay cabsi laga qabo inuu dagaal ballaaran ka qarxo gobolka. Labada ciidan ayaa ku booriyay shacabka dhinaca kale inay taxaddaraan si ay uga fogaadaan weerarro kale.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay inuu rajeynayo in shir madaxeedka dalalka G7 ee Axadda ka dhacay Canada uu keeno heshiis lagu xalliyo khilaafka loogana hortago sii xumaanshihiisa.

Sarkaal xog-ogaal u ah isgaarsiinta ayaa u sheegay Reuters in Iran ay u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha gobolka inaysan diyaar u ahayn wadahadal ku saabsan xabbad-joojin la Mareykanka inta lagu jiro weerarrada Israa’iil.

Milatariga Israa’iil, oo Jimcihii bilaabay weerarro uu ku sheegay in lagu beegsanayo barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaallada ridada dheer ee Iran, ayaa uga digay shacabka Iran ee ku dhow xarumaha hubka inay si degdeg ah uga baxaan.

“Iran waxay bixin doontaa qiimo aad u culus oo ah dilka dumarka, carruurta iyo rayidka awgiis,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo ka hadlayay balkoon dabaq burburay oo lix qof lagu dilay magaalada Bat Yam, oo ku taalla koonfurta Tel Aviv.

Ciidamada Iran ayaa iyaguna shacabka Israa’iil uga digeen inay ka fogaadaan “goobaha muhiimka ah” si ay u ilaashadaan badqabkooda.

Weerar habeen dhacay

Tel Aviv ayaa galabnimadii Axadda waxaa gilgilay qaraxyo waaweyn kaddib markii Iran qaaday weerarkeeda ugu horreeya ee maalintii ah tan iyo weerarkii Israa’iil ee Jimcihii. Sida ay sheegtay dowladda Israa’iil, ugu yaraan 10 qof — oo ay carruur ku jiraan — ayaa la dilay.

Saacado kaddib, isla habeenkii, Iran ayaa qaaday weerar labaad oo gantaallo ah oo ku dhacay waddo ku taalla magaalada Haifa, oo ah magaalo ay wada deggan yihiin Yuhuud iyo Carab. Hay’adda gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in sagaal qof lagu dhaawacay weerarkaasi, iyadoo labo kale lagu dhaawacay weerarro kale oo ka dhacay koonfurta dalka.

Fiidkii Axadda, dadka ku nool Bat Yam ayaa si argagax leh u eegayay burburka ka dhashay weerarkii habeenkii hore, iyadoo guud ahaan dalka laga dareemayay cabsi ah in habeen kale oo hurdo la’aan ah ay kusoo fool leedahay.

Sawirro laga qaaday magaalada Tehran ayaa muujinayay cirka habeenkii oo iftiimayay kaddib markii dab weyn ka kacay keyd shidaal, kaddib markii Israa’iil billowday weerarro ku wajahan waaxda saliidda iyo gaaska Iran — tallaabo halis galin karta dhaqaalaha caalamka iyo shaqada dowladda Iran.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Iran, Hossein Kermanpour, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee weerarrada Israa’iil tan iyo markii ay bilaabmeen ay gaartay 224 qof, halka dhaawacyaduna ay ka badan yihiin 1,200 — 90% oo uu sheegay inay yihiin dad rayid ah. Kuwa dhintay waxaa ka mid ah 60 qof oo Sabtidii lagu dilay dhismo 14-dabaq ah oo dumay gudaha caasimadda Tehran, kala barka dhimashaduna waxay ahaayeen carruur.

Trump oo hor istaagay qorshaha dilka Khamenei

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay Reuters in Madaxweyne Donald Trump uu dhawaan diiday qorshe Israa’iil wadatay oo lagu doonayay in lagu dilo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

“Miyaan weli Iran dilin Mareykan? Maya. Ilaa ay sidaas sameyso, ma jirto wax wadahadal ah oo la xiriira beegsiga hoggaan siyaasadeed,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka, oo ah sarkaal sare.

Markii arrintaasi la weydiiyay Ra’iisul Wasaare Netanyahu, wuxuu u sheegay Fox News: “Waxaa jira warar badan oo been ah oo sheegaya wadahadallo aan jirin, mana doonayo inaan ka hadlo.”

“Waxaan qabannaa waxa lagama maarmaan ah,” ayuu ku daray isaga oo la hadlay barnaamijka Special Report With Bret Baier.

Netanyahu wuxuu sheegay in isbeddel hoggaamineed oo ka dhaca Iran uu noqon karo natiijada weerarrada Israa’iil, isagoo ku adkeystay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabo kasta si ay uga hortagto waxa uu ugu yeeray “halista baabi’inta jiritaanka” ee Tehran.

Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka militariga Israa’iil ayaa sheegay in hadafka howlgalka hadda uusan ahayn isbeddel xukun, balse uu yahay in la burburiyo awoodda Iran ee nukliyeerka iyo gantaallada si looga hortago in ay Israa’iil “baabi’iso.”

Jimcihii, Israa’iil ayaa qaaday weerar lama filaan ah oo lagu dilay hoggaanka ugu sarreeya ee militariga Iran laguna waxyeelleeyay xarumaha nukliyeerka, iyadoo ballan qaaday in ololuhu sii socon doono maalmaha soo socda.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa Axaddii xaqiijiyay in taliyaha sirdoonka IRGC, Mohammad Kazemi, iyo ku-xigeenkiisa lagu dilay weerarro ka dhacay Tehran.

Iran ayaa dhankeeda ku hanjabtay inay “furayso albaabada cadaabta” si ay uga aargudato, taasoo muujinaysa in tani tahay isku dhaca ugu weyn ee abid dhex mara labada dhinac.

Trump oo uga digay Iran weerar kale

Trump ayaa bogaadiyay weerarka Israa’iil isagoo si cad u beeniyay eedeymaha Iran ee ah in Mareykanku ku lug lahaa.

“Haddii nalagu soo weeraro si kasta oo ay tahay, awoodda buuxda ee ciidanka Mareykanka ayaa idinku dhici doonta heer aan horey loo arag,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta Truth Social.

“Si kastaba ha ahaatee, heshiis dhex mara Iran iyo Israa’iil waa mid si fudud loo gaari karo, waana mid dhamaanteen naga saari kara dagaalkan dhiigga badan ku daatay.”

Trump ayaa horey u sheegay in Mareykanku uusan wax door ah ku lahayn weerarka Israa’iil, wuxuuna uga digay Tehran inay aargudasho u fidiso bartilmaameedyo Mareykan ah. Jimcihii, laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay ka hortageen gantaallo Iran ay ku beegsatay Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu marar badan ku celceliyay in Iran ay dagaalka joojin karto haddii ay aqbasho xayiraado adag oo lagu soo rogo barnaamijkeeda nukliyeerka — barnaamij ay Iran sheegtay inuu yahay mid nabadeed, balse reer Galbeedku ka shaki qabaan in loo adeegsan karo samaynta hub nukliyeer ah.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee nukliyeerka ee u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka, oo la qorsheeyay in Axaddii dhacaan, ayaa la joojiyay kaddib markii Tehran ay sheegtay inaanay wadahadal geli doonin inta lagu hoos jiro weerarro Israa’iil ay wado.

Suuqyada maaliyadeed ayaa si feejigan u sugaya haddii qiimaha saliidda uu sii kacayo marka isniinta la furo ganacsiga — taasoo halis ku ah dhaqaalaha dunida — ama uu degi doono haddii la filayo in dhoofinta saliidda Khaliijka aysan si weyn u saameyn.

Qiimaha saliidda ayaa horey u kacay 9% Jimcihii, ka hor inta aan Israa’iil weerarin xarumaha shidaalka iyo gaaska ee Iran.

Sawirradan hoose waxay muujinayaan burburka Israel ka soo gaaray gantaallada Iran. 

Daawo: Al-Shabaab oo jaray buundadii Bariire, iyo xubno nolosha lagu qabtay

Bariire (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay miinooyin ku xirtay oo ay jartay Buunadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ciidamada dowladda ay deegaankaas weerar ku qaadeen, kana saareen kooxda.

Al-Shabaab ayaa dhowr bilood heystay deegaanka Bariire, halkaas oo ciidamada dowladda ay isaga baxeen markii ay kooxdu qabsatay degmada Awdheegle iyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose, saacadihii lasoo dhaafay, isagoo xaqiijiyey in Shabaab jareen buundadii Bariire.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in nolosha lagu qabtay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen, iyadoo deegaano badan dib looga saaray argagixisada, sida uu sheegay Cumar Cali Cabdi.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ka bilowday howlgal culus oo lagu sifeynayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo qorshuhu yahay in dib loo xoreeyo deegaanada Sabiib, Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo deegaano kale oo muhiim ah oo Shabaab ay qabsadeen bilihii lasoo dhaafay.

Dad ku sugan Bariire ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada dowladda ay soo galeen deegaanka, kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxay Bariire, iyagoo sii burburiyey buundadii deegaankaas, taas soo ka dhigan in deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas ay ka go’doomeen Muqdisho.

Maalmaha soo socda howlgal culus oo Taliyaha Ciidanka Dhulka uu hoggaaminayo ayaa ka bilaabanaya Shabeellaha Hoose, sida ay ilo wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, howlgalkaas ayaa la qorsheeyey inuu noqdo mid lamid ah kii Badweynta Hindiya oo sanadihii 2014-2015 lagu xoreeyey dhul badan.

Hoos ka daawo

Said Deni warns Mogadishu against using force in Jubaland

GAROWE, Somalia — Puntland President Said Abdullahi Deni has warned Somalia’s federal government against further military escalation in the country’s southern regions following a December 2024 clash between federal troops and Jubaland forces in the border town of Raaskambooni.

In public remarks delivered on Sunday, Deni expressed concern about the implications of the December 11 confrontation and emphasized the need for political dialogue among Somali stakeholders.

“We are deeply concerned by the attack in Raaskambooni,” Deni said. “It was a serious event that risks repeating past mistakes.”

Federal-Jubaland tensions

On December 11 2024, armed clashes broke out between Somali federal forces and troops loyal to the Jubaland administration in Raaskambooni, a strategic town located in the Lower Jubba region near the Kenyan border.

Jubaland forces regained control of the town after hours of fighting. Some federal troops reportedly crossed into Kenya, and unconfirmed accounts suggested casualties on both sides. The Somali government has not publicly disclosed full details of the operation or its outcomes.

Raaskambooni has long been a contested area between the central government and the Jubaland regional administration. The town holds geopolitical importance due to its location near the border and past military operations involving federal and foreign-backed forces.

President Deni reiterated Puntland’s support for Somalia’s federal model and called for de-escalating tensions between Mogadishu and regional states.

“Puntland supports the decisions made by the Jubaland administration,” Deni said. “We caution against any attempt to resolve political disagreements through force or to equate dissent with disloyalty. Dialogue must be the foundation of national unity.”

While Deni’s comments supported a fellow federal member state, he stopped short of making specific demands and instead focused on the broader need for restraint and political negotiation.

Federal-State disputes persist

Somalia’s federal system has faced continued stress from disputes over resource control, election processes, and security responsibilities. Periodic political and military standoffs have marked relations between the central government and several federal member states.

President Hassan Sheikh Mohamud’s administration has maintained that efforts to extend federal authority into all regions are based on constitutional mandates. Regional leaders, including those in Jubaland and Puntland, have sometimes challenged the government’s interpretation of federal powers.

Observers have warned that if left unresolved, such disputes could weaken ongoing efforts to combat Al-Shabaab and disrupt progress toward national stability.

International partners, including the African Union, the United Nations, and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), have consistently called for cooperation and peaceful resolution of disputes among Somali institutions.

Deni echoed those sentiments, emphasizing dialogue over confrontation.

“No side can impose its will on the rest,” he said. “The only sustainable path forward is mutual respect and communication.”

As of Sunday, the federal government had not publicly responded to Deni’s remarks.

Warbaahinta Israa’iil oo shaacisay in ay dhaceen wax aysan ka fileyn weerarka IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Meron Rapoport, tifaftire ka tirsan mareegta wararka Israa’iil ee The Local Call, ayaa sheegay in dadweynaha Israa’iil si weyn ula yaabeen tirada gantaallada Iiraan ee ka gudbay nidaamyada difaaca casriga ah ee Israa’iil kuna soo dhacay.

“In kasta oo milatarigu isku dayayo inuu muujiye in arrintan la filayay, haddana dadku si dhab ah ayay ula yaabeen in gantaallo badan ay toos u haleeleen bartilmaameedyo gudaha Israa’iil, ayna sababeen burbur aad u baaxad weyn,” ayuu Rapoport u sheegay Al-Jazeera.

Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay sidoo kale gaareen goobo istaraatiiji ah, islamarkaana ay dhici karto in dhacdooyin muhiim ah aan weli loo shaacin dadweynaha, oo la qarinayo.

“Ma ogin wax walba sababtoo ah xakamaynta wararka waa mid aad u adag – haddii aan wax ognahayna, looma oggola inaan sheegno,” ayuu yiri.

Rapoport wuxuu intaas ku daray in heshiis lagu gaaro barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu yahay waddada kaliya ee laga bixi karo xiisaddan.

“Iiraan ma is dhiibayso, isbeddel xukun oo dalkaas ka dhaca dhawaan ma muuqdo, Israa’iilna dabcan ma is dhiibayso – sidaas darteed, ma arko wax kale oo la isku fahmi karo marka laga reebo heshiis ay Iiraan iyo Mareykanku gaaraan,” ayuu yiri.

Xogta uu bixiyey Rapoport ayaa imaneysa ayada oo uu sii kordhayo khasaaraha Israel ka soo gaaray weerarada Iiraan.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa baaraya burburka dhismayaal la dumiyey oo ay gantaallada Iiraan ku dhufteen, iyaga oo adeegsanaya eeyo baadi-goob ah iyo mashiinno waaweyn si ay u helaan dad laga yaabo in ay weli nool yihiin.

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la dilay maanta oo Axad ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee labada maalmood 13 qof. Si kastaba marka la eego heerka burburka gaaray Israa’iil, khasaaraha dhimashada ayaa la rumeysan yahay inuu aad uga badan tirada illaa hadda la shaaciyey.

Iiraan dhankeeda weli si buuxda uma shaacin tirada dhimashada, balse waxay sheegtay in 78 qof lagu dilay Jimcihii, iyadoo weerarro kale ay sababeen dhimasho dheeraad ah tan iyo markaas. Waxaa ku jirta weerar Sabtidii lagu beegsaday dhisme 14 dabaq ah oo ku yaalla Tehran, kaasoo gebi ahaanba dumay, waxaana ku dhintay 60 qof, kala barna waxay ahaayeen carruur.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa wareysi uu Axaddii siiyay CNN ku sheegay in madaxda Israa’iil ay si buuxda u garwaaqsadeen in khasaare iman doono kadib weerarkii ay ku qaadeen Iiraan, balse aysan haysan wax kale oo ay ku beddelaan.

“Markii aan gaarnay go’aankan taariikhiga ah, oo ahaa mid aad u adag, waan ogayn in ay imaan doonaan waqtiyo adag iyo khasaare na soo gaaraya. Laakiin haddana, doorasho kale ma aanan haysan,” ayuu yiri Sa’ar.

“Ujeeddadeennu ma ahayn in aan ridno xukuumadda Iiraan – taas waxaa go’aankeedu u bannaan shacabka Iiraan. Annaga, Israa’iil ahaan, uma aragno shacabka Iiraan inay yihiin cadowgeena,” ayuu ku daray.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay ka jawaabi doonaan khasaaraha shacabka gaaray.

“Iiraan waxay bixin doontaa qiimo culus oo ku saabsan dilka rayidka, haweenka iyo carruurta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo ka hadlayay meel ka sareysa guryo burburay oo ku yaalla magaalada Bat Yam, halkaas oo lix qof lagu dilay.

Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sheegay in Israa’iil ay weli haysato liis dheer oo bartilmaameedyo ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, balse uusan shaacin karin inta uu sii socon doono weerarku.  

Madaxweynaha cusub ee Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in haddii Israa’iil ay sii waddo falalka cadawtinimo, jawaabaha Iiraan ay noqon doonaan “kuwa sii xoogaysanaya oo aad u xanuun badan.”

Somalia advances oil plans, ends first offshore survey

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has announced the successful completion of the first phase of offshore oil and gas exploration, marking a significant step in its efforts to harness untapped energy resources in partnership with Turkey.

The seismic survey, carried out by Turkish Petroleum Corporation (TPAO), a state-owned energy firm, gathered critical geological data along Somalia’s coastline over 234 days. The operation began on October 21, 2024, and was conducted by the Oruç Reis, one of Turkey’s most advanced seismic research vessels.

“On June 15, 2025, the Ministry of Petroleum and Mineral Resources officially declares the completion of the first phase of oil exploration conducted by Turkish Petroleum,” the ministry said in a statement.

Major milestone for Somalia’s energy sector

The survey marks a pivotal moment for Somalia as it seeks to revive its economy and attract foreign investment after decades of instability. The exploration follows a production-sharing agreement signed with TPAO, granting the Turkish company rights to conduct seismic studies in Somalia’s offshore blocks.

The Oruç Reis collected high-resolution 2D and 3D data that will now undergo detailed analysis to determine the presence and quantity of hydrocarbons in the surveyed areas.

Officials said the findings could unlock long-term economic opportunities and help reduce Somalia’s dependence on external aid.

The Somali government emphasized that transparency, equity, and national benefit principles would guide future resource development.

“The resources will be developed transparently and fairly to support economic growth and improve the lives of Somali citizens,” the statement said.

Authorities pledged to release the survey results to the public once a verified analysis is completed. However, no specific timeline has been provided for the next steps, including potential exploratory drilling.

Turkish-Somali partnership deepens

The Ministry of Petroleum expressed gratitude to Turkey’s Ministry of Energy for facilitating the survey and strengthening bilateral cooperation. Turkish support has been central to Somalia’s infrastructure, education, and defense sectors over the past decade.

The ministry also credited President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre for their leadership in advancing Somalia’s energy strategy.

“This is a message of hope to the Somali people. The country is moving toward progress, guided by transparency and justice,” the statement concluded.

Somalia’s push to develop its offshore energy reserves comes amid ongoing political, security, and legal challenges. The country faces persistent threats from the al-Qaeda-linked al-Shabaab insurgency. It continues to rebuild institutions following years of civil war.

Despite these hurdles, experts believe Somalia’s offshore basins—located along the underexplored southern end of the East African Rift—may contain significant oil and gas reserves. Similar geological formations in Kenya, Uganda, and Mozambique have already yielded commercial discoveries.

The completion of this first seismic phase boosts hopes for future investment in Somalia’s offshore sector. However, analysts caution that further progress will depend on political stability, regulatory clarity, and improved security.

The government has not yet announced when exploratory drilling might begin. The timing will depend on the outcome of the data analysis, investor interest, and broader political developments.

Somalia’s offshore oil potential has intrigued energy experts for years, especially given recent discoveries in neighboring countries like Kenya and Mozambique. The country’s location along the East African Rift suggests it could hold significant reserves. However, until now, insecurity and political gridlock have made exploration nearly impossible.

If commercial quantities are confirmed, oil could transform Somalia’s economy—but experts warn that turning potential into progress will require strong governance, investor confidence, and sustained peace.

Mahad Salaad oo sameeyey is-bedel deg deg ah: Aqriso liiska xubnaha uu magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa durba isbadal ku sameeyay qaybo ka mid ah Talisyada Hay’adda, gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.

Agaasime Mahad Salaad ayaa hal warqad ku magacaabay saraakiisha kala ah:

1- Taliyaha NISA ee qeybta guud ee gobalka Banaadir ayaa loo magacaabay Liibaan Cabdiraxmaan Aadan.

2- Kaaliyaha dhinaca amniga ee Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa loo magacaabay Aadan Dheere.

3- Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde ayaa mar kale dib loogu magacaabay Korneyl Xamdi Xasan oo Sanbaloolshe uu xilkaas ka qaaday, mucaaradad adagna uu kala kulmay.

4- Taliyaha Guutada Ilaalada Shacabaka Gobalka ee Dharcadda NISA ayaa loo magacaabay Macalin Saalax Cabdinuur Cali oo ah nin dhalinyaro ah oo aad loogu amaanay baacsiga iyo fahanka dhagarta argagixisada.

Marka laga soo tago Taliyaha NISA ee gobalka oo xilkaan ku cusub inta kale horay ayay u soo haayeen meelaha loo magacaabay muddo xileedkii hore ee Agaasime Mahad Salaad uu hay’ada joogay.

Mahad Salaad oo shalay xilka la wareegay ayaa balan-qaaday inuu dardar galinayo shaqada sugidda amniga, isagoo muhiimadda koowaad siinaya caasimada Muqdisho.

Trump oo ka hor-tegay qorshe ay Israel ku dili lahayd Ayatollah Ali Khamenei

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan diiday qorshe ay Israa’iil ku doonaysay in lagu dilo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah wakaaladda wararka ee Reuters Axadda.

“Ma Iran ayaa weli Maraykan dishay? Maya. Ilaa ay sidaas sameeyaan, xitaa kama hadleyno in aan bartilmaameedsano hoggaankooda siyaasadeed,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.

Saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in mas’uuliyiin sare oo Maraykan ah ay si joogto ah ula xiriirayeen dhiggooda Israa’iil tan iyo markii Israa’iil billowday weerar ballaaran oo ka dhan ah Iran, si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Waxay sheegeen in Israa’iil ay soo sheegtay inay heshay fursad ay ku beegsan karto hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, balse Trump uu ka hor yimid qorshahaas. Lama xaqiijin in Trump uu si toos ah u gudbiyey fariinta diidmada, hase yeeshee, waxaa la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Markii laga waraystay arrintan, Netanyahu oo la hadlayey barnaamijka “Special Report with Bret Baier” ee Fox News Axaddii, ayaa yiri: “Waxaa jira warar badan oo been ah oo sheegaya wada-hadallo aan dhicin, mana doonayo inaan arrintaas sii galo.”

“Haddana, waxaan kuu sheegayaa inaan sameyno wixii aan u baahan nahay, Maraykankuna wuu garanayaa waxa u fiican isaga,” ayuu raaciyey Netanyahu.

Trump ayaa weli muujinaya rajo ah in dib loo bilaabi karo wadahadalladii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Tehran. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallo lagu waday inay Axadda ka dhacaan Cummaan ayaa la baajiyay kaddib weerarradii cusub.

Inkastoo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran uu cirka isku sii shareerayo, Trump ayaa sidoo kale Axaddii muujiyey rajo ah in nabad laga gaari doono, isagoo xusay suurta-galnimada in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu kaalin ka qaato dhexdhexaadinta.

Qoraal uu ku daabacay barta Truth Social, Trump wuxuu sheegay in wadahadallo badan oo aan la shaacin ay socdaan, islamarkaana uu ku dhiirrigelinayo labada dal inay heshiis gaaraan. Wareysi uu siiyay ABC News ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay in Putin — oo ciidamada Ruushka u diray Ukraine isla markaana ka hor yimid dedaallada Trump ee xabbad-joojinta Kyiv — uu noqdo dhexdhexaadiye.

Israa’iil iyo Iran ayaa habeenimadii iyo maanta oo Axad ah is dhaafsaday weerarro cusub oo sababay dhimashada dad badan.

“Iran iyo Israa’iil waa inay heshiis gaaraan, waana gaari doonaan,” ayuu Trump ku qoray Truth Social. “Waxaan helaynaa NABAD — dhowaan — oo dhex marta Iran iyo Israa’iil! Wicitaanno iyo kulammo badan ayaa hadda socda.” Trump ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan kulamadaasi ama horumarka la gaaray.

Hadalkiisa ayaa si toos ah uga hor imaanaya hadal uu Sabtidii jeediyay Netanyahu, oo sheegay in Israa’iil ay sii kordhin doonto weerarrada ay ku hayso Iran.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi lagu weydiiyay sida Trump iyo Aqalka Cad ay uga shaqeynayaan dejinta xiisadda Bariga Dhexe.

Trump ayaa u sheegay ABC News in Iran ay diyaar u tahay inay heshiis gasho, isagoo sheegay in weerarrada Israa’iil ay suuragal tahay inay xoojiyeen rabitaankaas. “Wax sidan oo kale ah waa in ay dhacdo, waxay rabaan inay wadahadlaan, waana wada hadli doonaan,” ayuu yiri Trump, sida uu weriyey wariyaha ABC Rachel Scott.

“Waxaa laga yaabaa inay taas dedejiso heshiiska.”

Maraykanka ayaa horey Iran ula galay wadahadallo si looga doodo barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaana Trump uu hore u sheegay in wada-hadalladu si wanaagsan u socdeen. Si kastaba, wareeg kale oo wadahadallo ah oo lagu waday inuu Axaddii ka dhaco Cummaan ayaa la baajiyay kaddib weerarradii ay is-dhaafsadeen Israa’iil iyo Iran.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Putin ay Sabtidii ka wada hadleen arrimaha Bariga Dhexe, taasoo uu sheegay inay ahayd mowduuca ugu weyn ee khadka telefoonka looga hadlay, marka la barbar dhigo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

“Wuu diyaar yahay. Isaga ayaa i soo wacay,” ayuu Trump ka yiri doorka suurtagalka ah ee Putin, sida uu sheegay Scott. “Waxaan yeelanay wadahadal dheer. Waxaan ka hadalnay arrintan si ka badan xaaladdiisa. Waxaan rumeysanahay in arrintan xal loo heli doono.”

Trump, oo isu arka dhexdhexaadiye nabadeed, ayaa wajahaya dhaleeceyn uga imaanaysa taageerayaashiisa siyaasadeed oo ku eedeeya inuusan ka hortagin dagaalka Israa’iil iyo Iran. Wuxuu sidoo kale xusay khilaafyo kale oo uu sheegay inuu ka shaqeeyay, sida kan u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, isagoo ka cawday inaan si ku filan loogu mahadnaqin.

“Wax badan ayaan qabtaa, waligeyse ma helo abaal marin, balse waa hagaag — DADKA waa ay fahmayaan!” ayuu ku qoray Truth Social. 

Itoobiya oo ka digtay khatar uga imaan karta Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka digtay halis weyn oo amni oo uga imaan karta gudaha Soomaaliya, xilli uu xiriirka labada dal ragaadiyay khilaaf siyaasadeedka.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula oo hortagay Baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in halis amni ay dalkiisa kaga imaan karto gudaha Soomaaliya, iyadoo xoogag “cadow ah” ay si weyn halkaas isugu urursadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Berhanu Jula oo jeedinayay warbixin la xiriirta waxqabadka ciidamada dalkaas muddo sagaal bilood ah ayaa si cad u tilmaamin cidda uu hadalkiisa ku wajahan yahay, haddana waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaalad amni oo isa soo taraysa, taasoo uu ku sheegay mid khatar ku ah Itoobiya.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya markii hore loo diray ujeeddooyin nabad ilaalin iyo taageero dowladeed, balse hadda loo baahan yahay in si dhow loola xiriiro joogitaankooda arrimaha amniga gudaha ee Itoobiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay ciidamo ku leedahay Soomaaliya laba hab: kuwa ku jira howl-galka ATMIS iyo kuwo kale oo halkaas ku jooga iyada oo la raacayo heshiis laba geesood ah oo aan tiradooda la shaacin. Berhanu Jula ma uusan bixin faah-faahin buuxda oo ku saabsan tirada ciidamadaas iyo shaqada rasmiga ah ee ay halkaas ka hayaan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay dooneyso inay ka faa’iideysato khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan xiisadaha siyaasadeed. Wuxuu sheegay in Masar ay taageero siinayso dhinacyo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo damacsan inay si militari ula fal gasho arrimaha gobolka.

Berhanu Jula wuxuu tilmaamay in bishii Agoosto 2024 ay dowladda Masar la saxiixatay heshiis dhanka militari ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyay in ilaa 10,000 oo askari oo Masaari ah loo diro gudaha Soomaaliya. Qaar ka mid ah ciidamadaas, ayuu xusay in lagu darayo howl-galka cusub ee AUSSOM.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya uusan aad u xumeyn, inkasta oo labada dal ay marar badan isweydaarsadeen eedeymo culus oo la xiriira fara-gelin iyo dano is diiddan.