Prof. Ibbi oo ka shalaayey taageeradii Farmaajo – “Saan ugu maalay iiguma hambeyn”

Muqdisho (Caasimadda Online) -Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo wareysi xasaasi ah bixiyey ayaa ka hadlay guul-darradii uu kala kulmay doorashada socota ee Golaha Shacabka, kadib markii uu waayey kursigii uu ku fadhiyey.

Ibbi ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya oo uu taageere iyo difaacaba u ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay dhabarka ka toogatay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Ibbi ayaa sidoo kale qiyaameyn ku tilmaamay falka lagu sameeyey, wuxuuna sheegay in markii uu ka tegay Muqdisho ee uu gaaray Baydhabo, isaga oo wata ergo laga daba diray taleefoon, isla-markaana sidaas looga reebay tartanka.

“Qofkaan taageerayey saan ugu maalay iiguma hambeynin aniga, indho la’aan ayaan u difaacay u wanaajiyey u sameeyey,” ayuu wareysiga ku yiri Prfo. Cabdiraxmaan Ibbi.

Prof. Ibii oo ka shalaayey wixii uu horey u sameeyey ayaa xusay in taageeradu ay la tegtay, balse ay hadda wax weliba is-bedaleen, uuna ku faraxsan yahay.

“Aniga Ilaahey (SWT) ayaa naxariis iiga dhigay in kursigan uusan isiinin, aniga waxaan ahaan nin Nabad iyo Nolol ah waxaan ahaa nin runtii ay kasoo dhowdahay xittaa inaan iraahdo war Farmaajo haa waagii hore Aabe iyo waxbaa dhihi jirnee laakin hadda Allaahuma Salli Calaa Farmaajo inay naga soo dhowaato,” ayuu markale yiri Prof. Ibbi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Haddii marka Ilaahey xilka iigu dari lahaa waxaan u maleynaa inaan Katarabiil noqon lahaa oo Umad badan dardari lahaa oo sii waalan lahaa”.

Dhinaca kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi sheegay in $34 Milyan ay Villa Soomaaliya ku bixisay doorashada kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka, si ay u hesho Xildhibaanno codkooda siiya Farmaajo, waxaana uu tilmaamay in dacwad lagu baarayo lacagtaas dhawaan la furi doono, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday qorshaha Villa Soomaaliya ee dib u doorashada Farmaajo, wuxuuna yiri  “Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, sidii hore ma aha oo codadka la isugu shubaayo, dhalinyarada soo gashay baarlamaanka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xasan iyo dad kale,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan kursigii uu ku fadhiyey Ibbi uu ku soo baxay xildhibaan kale oo dhalinyaro ah, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.