Falcelin iyo dhalleeceyn ka dhalatay magac bedelka uu sameeyey FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa ka hadlay magac beddelka uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyey magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Farmaajo oo Sabtidii u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo arrintan ka jawaabay ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Ixtiraamka dastuurka wuxuu ku billowdaa in Jamhuuriyadda la siiyo magaceeda dastuuriga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Mudane, la-taliyeyaashaada waa ay ku marin habaabinayaan. Tani ma ahan arrin yar. Haddii ay kaa dhigaan inaad ku xadgudubto dastuurka, maxaad ka fileysaa in kuwa kale ay sameeyaan.”

Rashiid Cabdi oo fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in tani ay tahay arrin ku talo-gal ah oo ay qorshe ka leeyihiin Farmaajo iyo Fahad. 

“Farmaajo wuxuu u socdaa Qatar isaga oo wat gal uu ku qoran yahay magac cusub oo dalka Soomaaliyeed loo yeelay. Waxaa loogu yeeray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Ereyga “Federal” kuma jiro. Tani waa ku talo-gal. Waxay tusmo kaa siineysaa cayaarta fog ee Farmaajo iyo Fahad – burburinta mashruuca federaalka.”

Waxaa sidoo kale tallaabada uu qaaday Farmaajo dhaliilay Cabdisalaan Salwe oo ahaa afhayeenkii xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

 “Farmaajo waa nin si walba ula diririray dastuurka lagu doortay iyo hannaanka federaalka iyo Federaalaynta dalka. Xitaa galalkii Villa Somalia wuu ka ilaalliyay xasaasiyadda uu ka qabo heerka ay le’egtahay,” ayuu yiri.

Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”