Askar ka tirsanaa ilaalada DENI oo geeriyooday, kadib…

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shir gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxweynaha maamulka Puntland.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday baabuur ay la socdeen ciidamadaas, xilli ay kusii jeedeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Gaariga ayaa shilka ku galay halka loo yaqaano dalcadda Karin-Dhiig oo ka tirsan gobolka Nugaal, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta xaqiijiyey waxaa dhacdadan ku dhintay illaa afar askari oo ka tirsanaa ilaalada madaxweyne Deni, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo dhaawacyadooda loo gudbiyey magaalada Garoowe, gaar ahaan isbitaalka guud, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Askarta ayaa xilliga uu la rogmanayey gaariga kasoo baxay dhanka magaalada Boosaaso oo uu weli ku sugan madaxweynaha oo la filayo inuu beri diyaar ku tego Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen shilkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca intaba.

Waa dhacdadii labaad oo ay waxyeelo kasoo gaareyso ilaalada Deni, waxaana todobaadkii hore miino lagu dilay askar la socotay kolonyada madaxweynaha oo sii galayey Boosaaso.