PROF. MAXAMED Cabdi Gaandhi oo geeriyooday

Paris (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cabdi Gandhi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ahaana musharax madaxweyne ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Besancon ee barriga dalka Faransiiska.

Prof. Gandhi ayaa lagu warramayaa inuu maalmihii tegay halkaas ku xanuusanaa, kuna geeriyooday isbitaal ku yaalla, hase yeeshee weli wax faah-faahin ah lagama bixin xanuunka hayey.

Prof. Gandhi waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee aadka looga dambeeyo taariikhda isirka Soomaalida. Wuxuu bartay culuunta dhulka, bulshada iyo dhaqamada bulshooyinka, isagoo laba shahaadada sare ee PhD ku haystay culuuntaasi.

Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

Madaxweynihii Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ay soo wada shaqeeyeen Gaandhi ayaa ka tacsiyeeyey geeridiiisa. “Waxaan shacbiga Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo geerida Prof Maxamed Cabdi Gaandhi oo ay isoo gaartay inuu ku geeriyoodey dalka Faransiiska,” ayuu yiri.

“Prof Gaandhi waxaan is barannay 2006 xilligaas oo uu ka shaqeynayay dhex-dhexaadinta Dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf AUN iyo Midowga Maxaakiimta. Wuxuu kamid noqdey isbahaysigii dib u xoreynta ee Asmara, isagoo Dowladdii aan Madaxweynaha ka ahaana kasoo noqdey Wasiir.”

“Prof hadda wuxuu kamid ahaa Madasha Xisbiyada Qaran oo uu guddoomiye ku-xigeen ka ahaa, iyo Midowga Musharaxiinta wuxuu ahaa odey Soomaaliyeed oo dalkiisa usoo shaqeeyey, wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed, isagoo sidoo kalena qayb ka ahaa dhismihii dowlad goboleedka Jubaland.”

Waxa u mudod dheer ku noolaa dalka Faransiiska. Waxa uu ahaa 72 sano jir marka uu geeriyooday.