Daahir Geelle oo shaaca ka qaaday ‘fursad’ Farmaajo hortalla oo uu iska luminayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu luminayo fursada uu qeyb kaga noqon karo wada-hadallada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka.

Daahir Maxamuud Geelle, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Dan Qaran oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiiim u tahay in is-mari-waaga si degdeg ah loosoo afmeero.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu xagal-daaciyey natiijo miradhala oo kasoo baxay wadaxaajoodyadii hore.

“Farmaajo waxaa soo martay maalin gurbaan taageero loo tumaayey, maalin laga dalbado inuu gogol fidiyo si kala guurka looga arrinsado, balse wuu xagal daaciyay. Waxaa xigay, maalin gogashi isaga laga codsan jiray ay beesha caalamka isaga ugu yeerto, waana isaga dhaqaaqay,” ayuu ka dhawaajiyey.

“Waxaa muuqata arrinta Soomaaliya ee miis ku dhammaatada ahayd in ay ku dhamaan doonto miis uu Farmaajo ka maqan yahay.”

“Saaxibadeyda xilalka haaya waxaan leeyahay, xil kasta, ha noqdo Ra’iisal wasaare, Wasiir, Xildhibaan, Taliye iyo Guddoomiye waxaa gadaal ka raaci doona erayga “hore”,” ayuu yiri safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga.

Daahir Geelle ayaa caddeeyay: “Xilka waxa laga faa’iido waxaa ugu wayn dhaxal reeb wanaagsan. Taariikh mugdi ah ayaa laga dhaxlaa la shaqaynta nidaam qalloocan oo aadan khaladka ka qaban karin ee toosi ama ka tag. Berrito ma foga mana dhammaato, xafiis la yimaado in laga tago ayaa ku xigta.”

“Farmaajo-ne waxa aan leeyahay, inta aad qaranka kala goyn lahayd quruxso taariikhda,” ayuu kusoo xiray isaga oo qeybta u dambeysay ee hadalkiisa kasoo xigtay Abwaan Abshir Bacadle.

Inkasta oo dhankiisa uu eedeeyay maamulada Puntland iyo Jubaland, hadana mucaaradka ayaa sheegay in Farmaajo uusan daacad ka ahayn xal u helida muskhilada doorashooyinka doonayana in uu awooda kusii haysto si sharci daro ah.