Mahad Salaad, Odowaa iyo Saabir oo ka jawaabay hadalkii xildhibaanada ku beesha ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Cabdisaabir Shuuriye ayaa luuqad adag ugu jawaabay xildhibaanadii Habargidir xalay taageerada u muujiyey Farmaajo, ayaga oo kasoo horjeestay xildhibaanadii tegay Shiirkole.

Mahad Salaad ayaa sheegay in xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ay yihiin kuwo uu lacago joogta ah siinayay intii xukunka uu joogay, islamarkaana aan marnaba kasoo horjeesan karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ee afarta sano uu biilka siinayay walina u heysta in uu noolyahay ama uu ka matajin karo wixii ay ka cuneen hadii ay warkiisa diidaan walaaleyaalow haloo cudurdaaro. Sababtoo ah dadna Farmaajo ayaa u ah duunyana waa mida ay gacantiisa ka sugaan,” ayuu yiri.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey “Waxaa kaloo dhici karta in aysan ogeynba dadka degan Shiirkole qoloda ay yihiin oo Farmaajo u sheegay in qaraabadiisu degantahay anaguna aan meesha doolaal ku tagnay. XOOLO DARMADAY AYAAN MAQLI JIRAY EE KUWAANI WAA DAD DARMADAY!.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa asaguna ku sifeeyay xildhibaanadan kuwo uu Farmaajo isaga dejinayo cadaadiska uga imaanaya beeshooda, kadib markii uu si sharci darro ah xukunka usii dheereystay.

Odowaa ayaa ku dhaliilay xildhibaanadaas ay isku beesha yihiin inaysan ku hadlin rabitaanka dadka ay matalaan, balse ay ku hadleen rabitaanka Farmaajo iyo aragtidiisa qalafsan.

“Farmaajo markii kulaylku gaaro waxa uu ka soo dhax hadlaa kuwa dad kuu xiga. Xalay kuwo aan qaraaba nahay ayuu ka soo dhax hadlay, Haddii ay dadka matalaan may meesha ay dadku joogaan ka so dhax hadlaan waa kuwa ina Farmaajo agtiisa laga so shidaaye sida cajalade. Nafeey nin ku doono ku waa aan maqli jiray!” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Cabdisabir Nur Shuriye oo isaguna u jawaabay xildhibaanada ay soo dirsatay Villa Somalia ee taageerada u muujiyey Farmaajo, ayaa sheegay inay masiirka umaddooda ka doorteen madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxa uu sheegay hoosta ka xariiqay in mardambe aysan u dhuuman doonin xubnahaas uu daaha gadaashiisa kasoo hagayo Farmaajo, islamarkaana ay barteen waxay yihiin, midaasina ay ku baraarugeen bulshada ay kasoo jeedaan.

“Jawaab kale nagama mudnidin oo inaan idinku masquulno ma doonayo Farmaajo ayaa shaqo nooga baahan lakin waxaan idin leeyahay haka so hadline Villa Somaliya ee imaada Shiirkole oo u sheega dadka aad leedihiin waa u tureynaa waxaad Villada ka soo sheegaysaa,” ayuu yiri.

“Shiirkole iyo Farmaajo, waxaadna doorateen Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday, waxaana ilaahey mahadiis ah inaad is caddeyseen oo aadnaan umadda u dhuuman.”

Waxaa maalmihii u dambeysay magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayay dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, kaasi oo siyaasiyiinta mucaaridka u aqoonsadeen “hoggaamiye kooxeed sharci-darro” ku jooga Villa Somalia.