Prof. Samatar oo ka hadlay tuhunkii xukuumadda Biixi ee khiyaanada KULMIYE

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horeysay ka hadlay safar ay Guddoomiye Ciro iskugu raaceen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Samatar ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay sida ay hadda isku yihiin xisbiga uu ka tirsanyahay ee Kulmiye, iyo shakiga dhowaan xukuumada Biixi ka muujisey daacadnimadiisa.

Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa arrimahaasi waxa uu kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri “Waanu is raacnay, is raacayaguna waxa uu ka bilaabmay anaga oo si kadis ah ugu kulanay madaarka Cigaal, Cabdiraxmaan Cabdilaahi guddoomiyaha Waddani waa qof aan aad u ixtiraamo oo qiimo weyn agtayga ku leh, baarlamaanka ayuu intaas madax ka soo ahaa waa nin mutacalim ah oo dugsigii sare ee Sheekh ka soo baxay nin edeb badan oo dadnimo wanaagsan weeye, xagaad usocotaa iyo Nairobi, aniguna Nairobi diyaaradii ayaanu wada raacnay waanu iska sii sheekaysanay”.

“Waxaanu ka sheekaysanay wadanka doorashooyinkiisu halkay marayaan iyo xiliga ay dhacayaan oo adduunku inaga sugaayo, jaamacadayadii oo uu su’aalo iga waydiiyay iyo wadanka Finland oo uu Cabdiraxmaan deganyahay iyo qabowgu xiliga uu yahay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Meel wanaagsan ayaan is leeyahay waad joogtaa madaxdii xisbiga ayaad waydiin doontaa xisbigana daacad ayaan u ahay intay kartidaydu tahay si weyna magaciisa waan u ilaaliyaa, waxaan rajeynayaa in xisbiga laftigiisu uu igu faano oo aanan wax ceeb ah u keenin”.

“Waxaan aad iyo aad uga mabsuud ahay halkaan taaganahay iyo ku jiritaanka xisbiga, laakiin waxaas oo dhan waxa ka weyn qof mubaax ah oo xoriyadaysan rayigaygu sida uu yahay kolba taagtaydu intay tahay iyada oo Edeb leh inaan banaanka soo dhigo waa waxii laygu tabobaray”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com