Farqiga Farmaajo markii uu ra’iisul wasaare ahaa iyo hadda uu madaxweyne yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed hore uma aysan aqoonin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor inta aan loo magacaabin raysal Wasaaraha Soomaaliya 14-kii October sanadkii 2010-kii. Go’aankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu ku noqday raysal wasaaraha Soomaaliya, waxaana Shacabka Soomaaliyeed baray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Farmaajo muddo 6 bil ah ayuu kasbaday Shacabka Soomaaliyeed, waxaana markaas lagu jeclaaday shaqo, go’aan qaadasho iyo wadaniyad isagoo loo arkay inuu meel sare ka keenay Ciidamada Soomaaliya oo ku jiray xaaladii ugu adkayd bur burkii kadib.

Muddo ku kooban ayuu yeeshay saameen ku dheehan wadaniyad iyo rajo umad Soomaaliyeed oo xor ah markii uu raysal wasaaraha ahaa kadibna waxa uu la shaqayn waayay baarlamaanka Soomaaliya, taas oo sababtay inuu iscasilo kadib heshiis lagu gaaray dalka Uganda.

Is-casilaadda Farmaajo ayaa aad looga banaanbaxay waxayna sababtay heer habeen madow ay haween iyo carruur ka dalbadaan in uu markab saaro oo ay u raacaan halkii uu ka yimid ee Mareykanka, laakiin maanta ma ahan Farmaajihi markaas la jeclaa sida ay qabaan dad badan.

Dadaal dheer kadib waxa uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxa uuna ku noqday codka baarlamaanka hase yeeshee waxaa sabab u ahaa kacdoonka dadweynaha iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed oo arkay in uu yahay hogaamiyaha kaliya ee samatabixin kara Soomaaliya.

Laba sano kadib Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ma ahan ninka aan ka soo sheekeynay waxa uu noqday qof ka badalan Farmaajihii 2010-kii raysal Wasaaraha ka ahaa Soomaaliya sida ay qabaan malaayin Soomaali ah oo dalka iyo dibadda ku sugan.

Waxaa meesha ka baxay rajadii ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed 70% waxaa hoos u dhacay dhaq dhaqaaqii wadaniga ahaa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee markii hore lagu bartay, iyadoo ay gaartay in Itoobiya loo gacan geliyo muwaadin Soomaaliyeed.

Waxaa hoos u dhacay shaqadii lagu yaqaanay iyo daryeelkii ciidan iyo dadba markii uu raysal wasaaraha ka ahaa Soomaaliya xili la filayay hadii Madaxweyne noqday in uu helo doono awood iyo xoog intii ka badan.

Waxa uu indhaha iyo dhagaha ka fureestay qayla dhaanta iyo dhibka heesta Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir iyo Guud ahaan Soomaaliya halkii markii hore ahaa qof ugu yaraan waqti ku bixiyo wixii uusan wax ka galin.

Maamulkiisa waxa uu noqoyay mid ku saleysan xoogsi iyo muran siyaasadeed waxaana ka go’ay dhamaan maamuladii kale halka markii hore u muuqday wadani dalka iyo dadka isu keeni kara.

Waxa uu dayacay Ciidamadii Soomaaliya ee uu markii hore rajo geliyay, waxa uuna shaqada ka eryay boqolaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya halka kuwa harsan ay waayeen Garaam iyo Mushaar.

Lix bil ayuu Soomaaliya ku geliyay rajo soo kabasho xoog leh balse hada 2 sano uu joogo waxaa muuqata in aysan jirin guulo wanaagsan oo la sheego oo ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya, waxayna arimahaan oo dhanay muujinayaan in isbadal wayn u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu ahaa raysal wasaaraha Sooamaliya iyo hada uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

FIIRO GAAR AH: Waxaa jira dad badan oo qaba in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu raysal wasaaraha ahaa waxyaabihii u qabsoomay ay ahaayeen barnaamij siyaasadeed uu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed sida uu isagaba ka sheegay dhowr jeer meelo fagaaro .

Sidaas darteed marka la isu eego labada waqti ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muujineysa in barnaamijkaasi uu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, balse markii uu isaga madaxweyne noqdo uusan hayn wax barnaamij siyaasadeed ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com