XOG: Awoodda taliyaasha saldhigyada booliska gobalka Banaadir oo hoos loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in si wayn hoos loo dhigay awoodda taliyaasha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee Saldhigyada degmada gobalka Banaadir kuwaas oo magacaaban dhowr bilood.

Caasimada Online ayaa la hadashay ugu yaraan 7 kamid ah taliyaashaan, waxa uuna mid kasta u cadeeyay in uusan lahayn awood uu wax ku maamulo sidii markii hore aheyd oo ay ku maamuli jireen amaanka degmooyinkooda, sidoo kalane ay ku amri jireen Ciidamada ka howlgala degmada.

Waxaa laga joojiyay dhamaan kormeerka baraha kontaroolka ee degmooyinkaas ku yaala, waxaa kaloo laga joojiyay in ay soo dayaan ama ay damiintaan dadka ay yaqanaan ee mara baraha kontaroolka ay degmooyinka ay maamulaan kuwaas oo ay markii hore sameyn jirayn.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay in aysan maamulin islamarkaana aysan amar siin karin Ciidamada ku sugan baraha kontaroolka ee degmooyinka. Taiyaashaan ayaa maamula oo kaliya Ciidamada ku sugan xarumaha degmooyinka iyo Saldhiga Booliiska ee degmada halkii markii ay maamuli jireen dhamaan degmada gudaheeda Ciidamada ku sugan.

Ciidamada Booliiska ee ku sugan baraha Kontaroolka ayaa waxay ka amar qaataan taliyaasha rugahaas oo go’aan ka gaara xaalad kasta, islamarkaana waxay amraan dhowr iyo tobanka Askari wixii ka dheeraad ahna waxay la aadaan oo ay si toos ah ula macaamilaan Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobalka Banaadir iyo kuwa kale ee qaybaha.

Lama oga wixii sababay arintaan mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen taliyaasha aan la hadalnay balse dhalinyaraan ayaa dhowaan loo magacaabay xilalka ay haayeen waxayna intooda badan ahaayeen taliyaashii Ciidamada NISA ee degmooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com