Faah-faahin: Dagaal xalay ka dhacay degmada Hodon

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya is rasaaseyn xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Taleex ee degmada Hodon.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan oo dooneysay inay dhac geysato iyo ciidamo boolis ah ay isku rasaaseeyeen xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida saraakiisha Booliska ay sheegeen.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in mid kamid ah raggii burcadda aheyd uu ku dhintay iska hor imaadka xalay dhacay, waxaana baxsaday ruux kale oo kamid ah kooxda dhaca geysanaysay.

Sidoo kale waxaa iska hor imaadka ku dhaawacmay taliyaha waaxda uu dagaalka ka dhacay iyo qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ku shaacisay barta Twitter-ka xogta weerarka ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay.”

“Mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah”

“Dhanka kale waxeey ciidamada boliiska gacan ku soo dhigeen askari boliis ah oo shalay dad shacab ah ku dhawacay degmada Howlwadaag”sidaasi ayay shaacisay Zakiye Xuseen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com