QM oo xiriirka kala dhaxeeya DF ka gaartay go’aan cusub kaddib cayrintii Hasyom

New York (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Faderalka ah ee Soomaliya kadib eryidii madaxii Xafiiska UNSOM Haysom.

Raisedon Zenenga, oo ah ku xigeenkii Nichalas Haysom ayaa sheegay in howlgalka uu hadda ku howllanyahay dib u amba qaadidda howlahiisa Soomaaliya kaddib markii ay kulan yeesheen isaga iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Raisedon Zenenga, oo ka hadlayay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xiriirka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey uu hadda ka roonyahay sidii uu ahaa billowgii sanadkan.

Waxaa kale oo uu sheegay in booqashadii Rosemary DiCarlo oo ah madaxa siyaasadda ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay booqashada ku timid Muqdisho wax ka badan ka beddeshay xiriirkii labada dhinac.

Raisedon Zenenga,waxaa uu xusay in caqabado badan ay wali jidka yaallaan, kuwaas oo lagu kala ogaanayo halka uu xaalku noqdo.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu ballanqaaday in uu si wanaagsan ula shaqeynayo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacowday Soomaaliya.

Mr Zenenga, ayaa si rasmi ah u sheegay in hadda shaqada xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu dib u shaqo billaabay.

Madaxii Xafiiska UNSOM, Dowladda Soomaaliya ayaa cayrisay 1-dii Bishii January ee Sanadkaan kadib markii ay ku eedeysay in uu faro-geliyay arrimaha gudaha.

Sida ay Dowladdu ku sheegtay warqadii ay ku cayrisay Haysom, waxaa uu ku xad-gudbay Madaxbanaanida dalka kadib markii uu soo saaray Warqad uu su’aalo Dowladda uga weydiiyay xarigii Mukhtaar Rooboow iyo shaqaaqadii ka dhalatay Dorashadii Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com