DF oo ka jawaabtay diidmada maamul goboleedyada ee sharciga batroolka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirshiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgalada Batroolka lagu baarayo ama lagu soo saarayo Batroolka Dalka uu leeyahay faa’iido iyo khasaare is barbar socda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay ka dadaashay sidii ay ugu gaashaaman lahayd caqabadaha ka dhalan kara inta lagu guda jiro soo saarista Batroolka.

Dhanka wada qaybsiga ama ka faaiideysiga Soomaalida Batroolka ayuu sheegay in ay ka fikireen, wax walibana ay wada xaajood geliyeen kahor inta aan Golaha Shacabka loo gudbin.

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegay in ay raaceen qodobka 44-aad Dastuurka Dalka oo faraya in aan howsha la guda gelin illaa inta wada xaajood lagu dhameynayo wax waliba oo ashtako ah.

Dalalka deriska la ah ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka faaiideysteen soo saarka Kheyraatka Shidaalka, si ay ugu faaiideystaan bulshada kunool Dalalkaasi.

Soomaaliya waxa uu tilmaamay in baaris dhowr jeer la kala sameeyay lagu ogaaday inta uu gaarsiisan yahay Batroolka, sahanka baarista ayuu sheegay in uu soo bilawday Konton-meeyadii.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dhulka Soomaalida uu baaran yahay, dhanka badda ayuu sheegay in la baaray xiligii Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Nabadgalyada Badda Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay, isla markaana aan jirin khataro baajin kara soo saarka Batroolka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Dowlad Goboleedyada hoos taga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid sharciga Batroolka oo todobaadkaan ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com