Prof. Yaxye Camir oo Beyle u jeediyey talo la xiriirta kiiska musuq-maasuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay isqabqabsigii ka dhashay warqaddii kasoo baxday guddiga maaliyadda ee la xiriirtay Wasaaradda maaliyadda  iyo gobolka Banaadir.

Prof Yaxye Sheikh Caamir ayaa sheegay in wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya isaga uusan laheyn khaladka loo jeediyay wasaaradda maaliyadda, isaga oo sheegay inaan loo baahneyn in shaqsi la abaaro.

Haddii eedeynta loo jeediyay wasaaradda maaliyadda ay sax tahay ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in wasiirka maaliyadda uu xilka isaga tago, maadaama wasaaradda dhan ay fashilan tahay isagana uu hogaaminayo.

Wasiirka maaliyadda ayuu sheegay inuusan aheyn ruux leh taqasuska shaqaalaha, haddana ay ku xiriiraan wasaaradda oo aysan joojin dad taqasus u leh howlaha ay qabanayaan, taasina ay qeyb ka tahay fashilka wasaaradda.

“Sharci ayaa jira oo wasaaradda leedahay, haddii wasaaradiisa ay fulin weysay sharciga inuu iscasilo ayay aheyd, Aniga haddii aan ahaan lahaa sidaa ayaan sameyn lahaa, aniga 1984 ayaan ka ruqseystay wasaaradda, dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in wasaaradda aysan joogin shaqsiyaad taqasus u leh shaqooyinka laga rabo”ayuu yiri Prof Yaxye Sheikh Caamir.

Ugu dambeyn aqoonyahanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada iyo xubnaha mucaaradka ah inaysan shaqsiyaad ku eedeeyn fashilka ku yimaada hay’addaha dowladda, taa badalkeedana loo baahan yahay in guud ahaan wasaaradda ama hay’adda la eedeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com