CC SHAKUUR: Soomaaliya keliya ayey ka suurowdaa in aad iska soo dhacdo saacadaha ugu danbeeya

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka.

Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn.

Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:-

Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay .

Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin.

Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan.

Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimad@live.com