PSG oo iska fogeysay inay lasoo saxiixaneyso David Beckham.

Tababaraha Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka la xiriirinaya in kooxdiisu ay lasoo saxiixaneyso David Beckham sanada soo aadan.

37 jirkaan ayaa lala xiriirinayey kooxda Faransiisa iyadoo uu warkaani kor usii kacay markii uu sheegay inuu Horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer isaga tegaayo bisha soo aadan. Tababaraha ayaase biyo qabow ku shubay wararkaas xanta ah.

Ancelotti ayaa yiri talaadadii: “Wax dalab ah uma aanan dirin, nasiib wacan ayaan u rajeynayaa Beckham.”

Bishii December ee sanadii hore Beckham ayaa wadahadal la galay PSG, si uu ugu soo wareego Paris ka hor inta uusan heshiisku burburin daqiiqadihii u dambeeyey suuqa kala iibsiga.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.