Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in si xun ay ula dhaqmaan dadka ay abaaruhu saameyen ee kasoo jeeda Deegaanada Koofur Galbeed ee dhawaan gaaray deegaanada Puntland.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah BFS oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Puntland ay faquuq gaara ku heyso dadka kasoo jeeda Deegaanada Koofur Galbeed ee dhankooda ku sugan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland ay dadkaasi u geysato tacadiyo aan loo meel dayin waxa uuna intaa ku daray in dadkaasi la dareensiinaayo dareen xun.
Xildhibaan Afaraale waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay si ula kac ah u xirto dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya waxa uuna yiri ”Puntland waxa ay dhibaato ku heysaa dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaa xabsiyada ku jira boqolaal ruux oo aan la garaneynin sababta loo heysto waxaan ku baaqeynaa in arrintaani il gaara loo yeesho”
Xildhibaanka ayaa DFS ugu baaqay in ay wax ka qabato Bartilmaameedka maamulka Puntland uu ku hayo Shacabka ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed.
Haddalka Xildhibaanka ayaa muujinaaya in Puntland ay il gaara ku heyso dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed, walow maamulka uusan wali ka hadal arrintaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

