Puntland Focus Group oo soo saaray digniin culus kana digay arrin halis ah

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland Focus Group, oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta madaxweynaha Puntland, ayaa warsaxafeed ka soo saaray doorashada Puntland iyagoo Madaxwayne Gaas uga digay in dastuurka la furo oo xiligan kala guurka ah wax laga beddelo, isla markaana dalka khalkhal la galiyo .

Annaga oo ka duuleyna, isla markaasna xoojineyna go’aankii Baarlamaanka (Golaha Wakiiladda) Puntland uu go’aamiyey 14kii Agoosto, 2018, kaas oo ah in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu ay dhacdo 8da Janaayo 2019ka, iyadoo loo marayo qaabkii hore, maadaama ay suurta geli weydey in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah 2019ka, waxaan soo jeedineynaa;

1 – Maadaama wakhtiga aan joogno doorashada Puntland ay ka hartay laba bilood, muddo-xileedkii xukuumadduna dhamaaday, si looga gudbo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee maanta taagan waxaa muhiim ah in wadajir iyo taxadar looga gudbo caqabadaha siyaasadeed, abni iyo dhaqaale ee hada jira. Sida oo kale, Xukuumadda talada haysa waxaa saaran masuuliyad dastuuri ah, waxaana loo bahan yahay in dalku xiligaan kala guurka ah uga gudbo caqabadaha jira deganaan iyo kalsooni lagu qabo nidaamka doorashada. Sidaas daraadeed Puntland Focus Group waxay dalbanaysaa:

2 – In Madaxweynaha iyo Musharixiinta kale ay ka galaan wadatashi loo dhan yahay arimaha khuseeya Gudiga Xallinta Khilaafaadka Barlamaanka, si loo helo xubno lagu kalsoon yahay oo bulshada dhexdeeda ku leh ixtiraam iyo xurmo gartoodana lagu qanci karo.

3 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dawladda Puntland ay rabto in ay furto Dastuurka Dawladda Puntland si dano gaar ah loogu samaysto. Waxaan si adag u soo jeedineynaa in aysan dhicin wakhtigan isku day lagu faragelinayo dastuurka Puntland oo ku yimi afti dadweyne, lana abuurin jaahwareer sharci iyo qalalaaso siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Puntland. Waxaan si adag ugu digeynaa Dawladda Puntland, islamarkaasna ay ka waantowdo arintaas ay waddo.

4 – In doorashada Puntland ku dhacdo jawi degan oo aan shaki gelin karin natiijada iyo nidaamka doorashada midna.

5 – Musharixiinta u sharaxan Madaxweynanimadda Puntland waxaa ay xaq dastuuri ah u leeyihiin in ay shacabka reer Puntland kula hadlaan goobkasta oo munaasib ah, si ay ugu sheegaan fikrikooda siyaasadeed. Waxaana cambaarayneynaa falkii lagula kacay Faarax Cali Shire oo loogu diidey in uun ka khudbadeeyo barxadda magaalada Qardho iyo in la jeex jeexo musharaxa xayeysiintiisa.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxw

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jeneral Cabdulahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Cali Qoryooley