Xubnaha Puntland ugu jira golayaasha DF oo baaq ka soo saaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Soomaaliya ugu jira maamulka Puntland ayaa baaq nabadeeed maanta ka soo saaray collaadda labada beel ee walaalaha ah ku dhexmareysa Koonfurta Gobolka Sool.

Dagaal shalay subixii hore ilaa iyo saaka oo Salaaso ah ka socotay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa kalaafatay nolosha dadka 150 kor u dhaafaya oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xubnaha baaqa dirayey waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda  Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraad-ka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo wasiiro dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xildhibaanayo ay ka mid ahaayeen Da’uud Bisinle, Axmed Maxamed Axmed (Dubeys), Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, Ikraan Yusuf Xirsi iyo Canab Xassan Cilmi.

Dhammaan xubnaha baaqa nabadeed diray waxa ay wax lagu xumaado ku tilmaameen collaada dadka tiradaas le’eg ay ku geeriyoodeen waxa ayna dalbadeen in bilaa shuruud lagu joojiyo dagaalka.

Ilaa iyo hadda waxaa la sheegay in dagaalkaas shalay iyo saaka socday in ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 60 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 100 kale.

Dhinaca kale dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa iyaduna baaq nabadeed ka soo saartay dagaalkaas labada beelood ee ood wadaagta ah ku dhexmaraya Dhumay.