Ku-xigeenkii DAACISH-ta SOMALIA oo si yaab leh looga khaarijiyey Muqdisho 

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu khaariyey ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin.

Dilka loo geystay Mahad ayaa wuxuu dhacay waqti laga joogo hal asbuuc sida ay BBC Soomaali u xaqiijiyeen ehelada ninka la dilay.

Ehelada dadkaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in meydka wiilkooda lasoo dhigay Xeebta Liido isla markaasna taleefoon loogu sheegay in wiilkooda la dilay isla markaasna uu yaalo Liido.

Waxay sheegeyn in meydka wiilkooda oo aan la garan inuu isaga yahay laga qaaday halkaas kadibna la geeyey Isbitaal ku yaalo Muqdisho sidaasna lagu aasay.

Sidoo kale dilka Mas’uulkaan ayaa waxaa xaqiijiyey sirdoonka Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan wareysiga  ay BBC siiyeen eheladiisa

Dilka Mahad ayaa waxaa ka dambeeyey mid kamid ah Saraakiisha Kooxdaan oo doonayey inuu booskiisa galo.

Sarkaalkaan ayaa ciidamo ka daba diray Mahad markii uu maqlay inuu aaday Magaalada Muqdisho waxaana loo maleegay qorsho lasoo diyaariyey oo ugu dambeyn lagu khaarijiyey.

Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Mahad ayaa maalmihii dambe awood dheeri ah ku dhex yeeshay Kooxdaan waxaana la ogaaday inuu yahay ninka noqon doono hoggaamiyaha kooxdaan waana sababta keentay in loo diyaariyo dilkaan qorsheysan.

Hoggaamiyaha Daacish ayaa la rumeysan yahay inuu muddooyinkii dambe xanuunsanaa isla markaasna waxaa si weyn loo hadal hayey inuu Mahad noqon doono ninka booskaas geli doono, waxayna taas keentay inay saraakiil ka tirsan Kooxdaan ku fakaraan dilkiisa oo lagu guuleystay inuu Muqdisho ka dhaco.

Dawladda maraykanka ayaa horraantii sannadkan ku dartay Mahad Macallin liiska shakhsiyaadka ay xayiraadda ku soo rogtay.

Kooxda Daacish ilaa hadda kama hadlin dilka loo geystay Sarkaalkaan muhiimka u ahaa, wuxuuna dilkaan keenay Khilaaf soo kala dhexgalo kooxdaan oo markii horaba aan awood sidaas u weyn u laheyn Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com