Sacuudiga oo ku ceeboobay laaluush siyaasadeed ka kooban 3 arrin oo ay usoo bandhigeen Erdogan

New York (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times waxa uu ka soo xigtay xubno ku dhow Madaxweynaha Turkiga inay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga ku fashilantay hindise ay Madaxweyne Erdogan u soo bandhigeen, si aan loo shaacinin natiijada baaritaanka dilkii Saxafigii Sacuudiga ee Jamaal Khashoggi oo bishan October 2-dii lagu dilay magaallada Istanbul.

Wargeyska waxa uu qoray in Amiir Khaalid Faysal oo ah La- taliyaha Boqorka Sacuudiga oo dhawaan booqasho ku tegay Istanbul, iska markaana uu Madaxweyne Erdogan Kala hadlay baaritaanka dilkii Saxafiga Jamaal Khashoggi.

Wargeyska waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo u sheegeen inuu Amiir Khaalid u sheegay Erdogan qorshe ay Sacuudiga Ku beddelanayaan hakinta Kiiska Saxafigii la dilay.

Qoddobadda ay Sacuudiga soo bandhigeen ayaa Kala ahaa:-

1-Inay taageero Maaliyadeed siinayaan Turkiga.

2-Inay Sacuudiga kordhinayaan Maalgashiga Turkiga iyo

3-Inay Sacuudiga cunaqabataynta ka qaadi doonaan Dowladda Qatar oo Isbahaysiga dhow la leh Turkiga.

Xubnaha ku dhow Madaxweyne Erdogan waxay u sheegeen Wargeyska The NYT inuu Madaxweynuhu Ku gacan-sayray Hindisihii uu Amiir Khaalid Faysal u soo bandhigay.

Wuxuuna Erdogan ku tilmaamay Hindisahaasi Laaluush Siyaasadeed.

W/Q: Ustaad Nuuradiin Abuukar