Sawirro: Boqor Salman iyo Maxamed Bin Salman oo la kulmay qoyska Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga, Salmaan bin C/casiis iyo Dhaxal-suge Amiir Maxamed Bin Salmaan waxay maanta si rasmi ah ula kulmeen laba wiil uu dhalay Jamaal Khashoggi.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa soo bandhigay Muuqaalka Qaabilaadaasi, wuxuuna Boqor Salmaan u tacsideeyey Qoyska Jamaal Khashoggi.

Boqorka ayaa shalay Khadka telka ugu tacsiyeeyay qoyska uu ka baxay Suxufi Jamaal Khashoggi, isagoo maantana ku qaabilay qasriga Sacuudiga.

Boqorka ayaa labada wiil ee uu dhalay Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyay qaabka uu u dhacay falka, waxa uuna ugu laab qaboojiyay in dowlada ay sii wadi doonto baaritaanka dilka aabahood.

Sidoo kale, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Madaxweyne Erdogan khadka Telefoonka kula xiriiray Qoyska Saxafigii Sacuudiyaanka ahaa ee la dilay ee Jamaal Khashoggi.

Erdogan waxa uu Qoyska Jamaal Khashoggi uga tacsiyeeyey dilkaasi oo ay xubno ka tirsan ku dileen gudaha Qunsulliyada Sacuudiga ee magaallada Istanbul.

Erdogan ayaa qoyska Jamaal u sheegay inay heli doonaan warbixino xaqiiq ah oo ku saleysan dilka aabahood iyo shaqsiyaadka ka danbeeyay dilkiisa.

Dhinaca kale, Erdogan waxa uu qoyska u balanqaaday inay ka garab istaagi doonaan dhan waliba, isla markaana falka dilka uu yahay mid ay geesatay Sacuudiga.