Puntland hala timaaddo jid iyo jiho loo raaco…!!

Haddiiba dowlad goboleed go’aaminayo jihada dalka uu aadayo, sharciyada dalka laga hirgelinayo, nooca doorashada ee la qaadanayo, tubta loo marayo wadahadalada Koonfur & Waqooyi, qaabka loo maareynayo deeqaha dalka iyo tilaabo kasta oo dowladda dhexe ee aan wakiilanay ay qaadeyso, soo markaas ma noqonayso inaanba loo baahneyn dowlad dhexe oo Federaal ah oo leh laamaha sharci-dejinta, garsoorka iyo fullinta ee cid walba gobolkooda iyo kaabaha qabiilkooda haku daba faysho, hana iska iloowdo dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, awoodna u leh bixinta adeegyada aasaasiga ah ee uu shacbiga u baahan yahay.

Haddii kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaankooda ha looga dambeeyo, hana lagu xushmeeyo hoggaaminta dalka iyo iney si nabadi ku jirto ku maareeyaan 4ta sano ee loo igmaday iney hoggaamiyaan dowladnimada dalka.

Soomaaliya wey heshiisay, waxayna ku heshiisay dowlad Federaal ah. Dowladda dhexe ee Federaalka oo ka kooban hay’adaha sharci dejinta, xukuumadda, iyo garsoorka ayaa dastuurku awood u siinaya fulinta waajibaadka shaqo ee qarankeena horyaala.

Haddaba, aan uga dambeyno waajibaadka shaqo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu Dastuurka Kumeel gaarka ah u oggolaanayo. Maamul goboleedkii wax tabanaya xildhibaanada labada aqal ugu jira iyo wasiirada xukuumadda ku matela ha soo gaarsiiyeen, hana kula xisaabtameen.

Runtii waa ayaan-darro weyn in qiyaasitii ku dhawaad 2000 oo indheer-garadka Puntland ah inta meel la isugu keeno, saddex maalmood laga hadalsiiyo, deetana warqad ajendaheeda iyo qoritaankeeda Boosaaso lagu soo diyaariyay lagu dul akhriyo!

Puntland shir wada tashiya oo dhaba ayay u baahan tahay, waxay u baahan tahay shir lagu qiimeeyo 20 sano kadib waxa uu Puntland ka halaysan iyo waxa u hagaagsan. Puntland waxay u baahan tahay indheer-garad (elite) ka madaxbanaan dhaqanka iyo siyaasadda hada jira. Waxay si dhab ah Puntland ugu baahan tahay shir weyne loo simman yahay oo lagu qiimeeyo waxa hortaagan in 20 sano kadib Puntland laga fullin waayo:

1) Tirikoob (Census)
2) Jaangoynta Degmooyinka (Redistricting)
3) Dhismaha Hay’adaha Dowladda (PL Institutions)
4) Dowlad Wanaagga (Good Governance)

Shan sano kasta Puntland waxaa yimaada hoggaamiye mandatekiisu yahay horumarinta muuqaalka dowladda Puntland iyo in la gaarsiiyo Puntland doorasho qof iyo cod ah, lagana gudbo 66 Xildhibaan ee qabaliga ku dhisan, lana hirgeliyo dowladnimo casri ah. Bal wax uu danta reer Puntland iyo tan Soomaaliyeed taro iska iska dhaafe, danta kuwa reernimada ku daafacaya ayuu dhaafsadaa shilimaadka yar-yar ee ay Imaaraadku u soo siyaan hagar daameynta sharafka & qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

Ogooow Puntland waxay xiriirka u jartay oo aysan la shaqeyn dowladdii Cabdiqaasim, tii Cabdulaahi Yuusuf (AUN), Dowladdii Sheekh Shariif, dowladdii Xassan Sheekh iyo dowladda Farmaajo intaba, wakhtiyo iyo sababo kala duwan. Marka ma intaas oo dhan ayaa wada khaldanaa mise inaga caqligeena lagu ciyaarayaa!

Ogoow shacbiga Puntland oo aan aniguba kamid ahay waxaan u dulmanahay siyaasiyiin manaxayaal ah oo ay naxariistii banii-aadanino ka guurtay, tii islaanimana aysan nooga muuqan 20 sano kadib.

Waa muhiim in qof walba oo fikirka xor ka ah uu daraaseeyo sooyaalka taariikheed iyo xaaladaha dhabta ah ee Puntland ka taagan.

20 sano kadib Puntland doorasho qof & cod ah kama dhicin, labana isma weydiin!

20 sano kadib Sool, Sanaag badankiis iyo Cayn Puntland kama taliso la ismana weydiin!

20 sano kadib ma jiro ciidan qarameysan oo qalabeysan oo daafici kara xuduudaha Puntland, cid isku soo qaadeyna ma jirto.

20 sano kadib ma dhisna wadada Gaalkacyo & Garoowe, shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah la ismana weydiin!

20 sano kadib maamulka gobolada, gollayaasha deegaanka iyo garsoorkaba waxaa digreeto ku soo magacaaba hadba madaxweynaha jooga la ismana weydiin! Federaalna waan daafaceynaa!

20 sano kadib ma dhisna wadada Laascaano-Garoowe shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah, la ismana weydiin karo!

20 sano kadib ma dhisna wadada Gaalkacyo iyo Galdogob, shilalkuna waxay uga dhacaan si joogta ah la isma weydiin!

20 sano kadib ma dhisna wadada Garacad iyo Gaalkacyo, la isma weydiin karo!

20 sano kadib ma dhisna wadada Ceel-Daahir-Ceerigaabo, la ismana weydiin.

20 sano kadib lama wada hayo, beelihii, dhaqankii iyo siyaasiyiintii wada dhisay Puntland, la ismana weydiin!

Intaas iyo in kale oo badan oo ay tabayaan shacbiga dulmanayaasha ah ee Puntland ku dhaqan ayaa kadib siyaasi dantiisa raacdeysanaya inta uu iska indha tirro dareenkeena nagu dul akhrinayaa warqad indhacadeys ah oo lagula xisaabtamayo madaxweyne iyo xukuumad saddex sano kaliya xafiiska joogay.

Runta kolay lama jecle, waxaan hadalkeyga ku soo xoorinayaa oo aan ku talin lahaa in la dhawro rajada, yididiilaha iyo kalsoonida shacabka reer Puntland ee dhalinyarada u badan loo turo, loogana tago dhaxal wanaagsan oo taariikhda u gala.

Waxaa wanaagsan in Puntland ay tusaale u noqoto maamulada kale marka laga eego tanaasulka, u turista shacbigeeda & dowladnimada dalka iyo sidoo kale ka run sheegidda hooyonimada dowlad dhisidda casriga ah ee dalka hooyo. Hanala timaaddo jid iyo jiho loo raaco.

Puntland hurdada haka toosto, Soomaaliyana ha guuleysato.

W/Q: Abdiqafar Shire

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid