DF oo war kasoo saartay SHAKI la xiriiray kiisas kale oo CORONAVIRUS ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhaw soo saartay warbixin kale oo la xariirta halka ay marayaan dadaalada looga hor tegayo cudurka Coronavirus iyo hadii ay jiraan dad kale oo uu Soomaaliya kusoo ritay feyruskaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay u xaqiijineyso in uusan jirin qof kale oo uu soo ritay cudurka Corona oo ku sugan dalka.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in qofkii horay loo shaaciyey oo kaliya illaa hadda laga hayo kiis la xariira cudurkaas, isla markaana ay jiraan dad kale oo loo karaantiilay xabsi laga qabo in ay kasoo baxaan calaamado la xariira Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadku waxa ay sheegtay in lagu daba jiro dhamaan dadkii la socday diyaaradii Muqdisho keentay halka ruux ee laga helay cudurkaas, kuwaas oo mudo laba toddobaad ku dhaw dalka jooga.

Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka wasaaradda caafimaadka

  • Kadib xaqiijintii kiiska bukaanka qaba xanuunka COVID-19, Wasaaradda Caadimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay umadda Somaliyeed la socodsiinaysaa inuusan jirin kiis kale oo laga shakiyay ama la xaqiijiyay
  • Kiiska la xaqiijiyay waxa uu wadanka kasoo galay dibadda, waxay Wasaaradda ku dadaalaysaa in laga hortago faafidda xanuunka ee gudaha waddanka
  • Wasaaradda waxay ku daba-joogtaa dhamaan rakaabkii diyaaradda la saarnaa qofka la xaqiijiyay inu qabo cudurka COVID-19.
  • Dawlada waxay u qoondeysay 5 milyan oo Dollarka Maraykan ka ah guud ahaan dalka si loo xakameeyo faafida cudurka
  • Wasaaraddu waxay furtay lambarka Gurmadka Caafimaadka degdegga ah 449. Qofkii u baahdo macluumaad ama talo la xariirta cudurka COVID-19 ama isaga shakiya ha waco 449
  • Waxa garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho lagu diyaariyey xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka
  • Waxa isbitaal De Martino ee magaalada Muqdisho loo qoondeeyay inu noqdo xarunta daaweynta bukaanada la xaqiijiyo inay qabaan cudurka COVID-19.
  • Waxa ay Wasaaaraddu qorsheynaysaa in wadanka la keeno agabka lagu xaqiijin karo cudurka COVID-19 sida ugu dhaqsiyaha badan.
  • Si looga hortago cudurka faafidiisa, dawladda waxay joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee wadanka imaanayey ama ka baxayey laga bilaabo 19ka Maarso 2020.
  • Sidoo kale waxa ay dawladdu fasaxday dhamaan iskuulladii, waxayna joojisey isu-imaatinka dad-weynaha
  • Isha kaliya ee wararka xaqiiqda ah ee la xiriira cudurka COVID-19 waa Wasaaradda Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed.

Dhammaad