Xafiiska Kheyre oo war ka soo saaray kulan uu Addis kula qaatay Abiy + Sawirro

Adds Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qoraal kasoo saaray safarka uu ku tegay Addis Ababa iyo  kulan uu magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed. 

Qoraalka, oo aan faah-faahin badan bixin ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. 

“Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dala” ayaa lagu yiri qoraalka.  

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan, sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka laguma soo hadal qaadin khilaafka iyo xiisadda cusub oo ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ra’iisul wasaaraha uu Addis Ababa u tegay isku dayay uu kusoo xalinayo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Itoobiya ay aad uga carrootay taageerada ay Soomaaliya u muujisay qaraar kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhan ahaa biyo-xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile, kaasi oo Masar ay aad uga soo horjeeddo.

Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso in Soomaaliya ay shaaciso taageeradeeda, taasi oo aad u adag, maadaama Soomaaliya xubin ka tahay Jaamacada Carabta, ayna qaadan karin go’aan gaar ah.