Itoobiya oo ka carreysan Somalia iyo ujeedka safarka R/W Kheyre ee Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa safarka uu maanta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ku tegay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Kheyre u u diray safarkan, islamarkaana uu la xiriiro khilaaf iyo xiisad cusub oo ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ra’iisul wasaaraha uu isku dayayo inuu soo xaliyo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Itoobiya ay aad uga carrootay taageerada ay Soomaaliya u muujisay qaraar kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhan ahaa biyo-xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile, kaasi oo Masar ay aad uga soo horjeeddo.

Markii ay Soomaaliya taageertay qaraarkaas ayaa lagu warramay in Itoobiya ay Villa Somalia kusoo wargelisay carrada ay ka qaadday iyo sida ay uga niyad jabtay.

Kheyre oo lagu wado inuu la kulmo madaxda sare ee dalkaas ayaa lagu soo warramayaa inuu isku dayi doono inuu Itoobiya ka dhaadhiciyo in Soomaaliya ay la safan tahay, hase yeeshee ma cadda sida Itoobiya ugu qanci doonto.

Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso in Soomaaliya ay shaaciso taageeradeeda, taasi oo aad u adag, maadaama Soomaaliya xubin ka tahay Jaamacada Carabta, ayna qaadan karin go’aan gaar ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalka.

Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayada oo horey loogu fashilmay in loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aysan dooneyn inay isku dhacaan.