Qodobo xasaasi ah oo ka soo baxay shirkii beelaha Garxajis iyo Habar-jeclo

Burco (Caasimada Online) ― Shir-weynihii Beelaha Habar-jeclo iyo Garxajis uga socday magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay, iyadoona laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

War-murtiyeedka ay Labada Beel soo saareen ayaa waxa si weyn uga dhex-muuqday cadaadis ay Xukuumada Muuse Biixi ku saarayaan heshiiskii ay xukuumadii ka horeysay ay la gashay Maamulka Khaatumo.

Labada Beel ayaa soo jeediyay in waqtigan loo baahan yahay in Xukuumada Somaliland ay fulisay heshiiskii ay hore ula gashay Khaatumo.

Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in si wada-jir ah loo ilaaliyo qaranimada Somaliland iyo midnimadeeda, isla markaana dhinac looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeeleynaya.

War-murtiyeedkaasi ayaa waxa kale oo lagu bogaadiyey Heshiiskii ay dhowaan Mucaaridka iyo Muuse Biixi ka gaadheen khilaafkii baahsanaa ee hadheeyay arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Waxayna Golaha Guurtida ugu baaqeen inay ansixiyaan Guddigii culimada ee Dastuuriga, iyagoona Golayaash u soo jeediyay inaysan marnaba ansixin xeerkasta oo ka hor iman kara shareecada Islaamka.

Xukuumada Biixi ayaa waxay kale oo ay ugu baaqeen in Xilalka dawliga ah iyo weliba mashaariicda horumarineedba ay Xukuumadoodu si cadaalad ah ugu qeybiso beelaha wada daga deegaanada Somaliland.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran