Yusuf Garaad oo soo saaray go’aan la xiriira xafladda caleema saarka Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga qaban qaabada Xafladda Caleemka saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in dib loo dhigay xafladda oo la qorsheenayey inay dhacdo 26 Bishaan.

Guddoomiyaha Guddiga, Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in shirka dib loo dhigay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus oo la sheegay in laga helay Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka Yuusuf Garaad

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.