Wasiir Maxamed Siciid: Ma yaallo Muqdisho qalab lagu ogaan karo Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Siciid Cabdullaahi oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan cudurka Corona.

Wasiir ku xigeenka ayaa marka hore shaaciyey in dalka, gaar ahaan magaalada Muwqdisho uusan oolin qalab caafimaad oo lagu ogaan karo cudurka Corona.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muwaadinka Soomaaliyeed ee laga helay cudurka, muunada laga qaaday loo diray dalka dibaddiisa, sidaasina lagu ogaaday.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey weerar la’isla dhex-marayey baraha bulshada oo sheegayey in qof labaad oo qaba xanuunka lagu arkay isbitaal Digfeer.

Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa xusay in ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaallo xoogan, isagoona ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhankooda taxadar muujiyaan.

Soomaaliya oo laga helay kiis ka mid ah xanuunkaa COVID19 ayaa waxa ay haatan dad badan wal-wal ka muujinayaan halista cudurkaan, maadaama dowladda federaalka aysan heysan qalabkii loogu tala galay in looga hortago cudurka iyo kuwa karantiilka intaba.

Coronavirus oo markii sii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa si weyn ugu baahay dunida inteeda kale, wuxuuna sababay in wadamadu ay kala xirtaan xuduudaha.