Puntland iyo DP World oo dekedda BOOSAASO ku wareejinaya shirkad cusub

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Puntland iyo shirkadda laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ee DP-world ayaa ku heshiiyey in maamulka Dekadda Boosaaso laga wareejiyo Shirkadda P&O oo muddo ka badan 5 Sano gacanta ku heysay.

Wasiirka Dekadaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay inuu dhacay heshiis shirkad kale loogu wareejinayo maamulka Dekadda, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego magaca shirkadda cusub ee lagu wareejiyey Dekadda Boosaaso.

Sababta Shirkadda P&O looga wareejiyey maamulka Dekadda Boosaaso ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay ku fashilmatay heshiiskii lala galay ee ahaa in dhismaha Dekadda la ballaariyo.

Shirkadda P&O ayaa ku doodeysa in sababta ay dib ugu dhacday dhismaha Dekadda Boosaaso ay tahay dilkii madaxii shirkadooda Paul Farmosa oo Boosaaso lagu dilay Bishii February ee sanadkii 2019.

Wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Maamulka Puntland ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay ganacsatada Puntland oo ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, waxayna ballaan qaadeyn inay maalgashi ku sameysan doonaan Dekadda.

Puntland ayaa ku adkeysatay in aysan joojineyn heshiiska ay kula jirto DP World, waxayna taas badalkeeda sameysay in heshiiska laga joojiyo Shirkadda B&O oo ah gacanta Sedexaad ee shaqada waday.