Xubno ka tirsan Shabaab oo howlgal lagu dilay iyo kuwa kale oo nolol lagu qabtay

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay si wadajir ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Howl-gallada ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku yaalla duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in inta ay socdeen howl-galladu ay dagaallo dhex-mareen labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in howl-galladan ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna sidoo kale nolosha ku qabteen 6 kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada jabka xoogan lagu gaarsiinayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda deegaanada howl-gallada laga sameeyey ee hoostaga Jamaame ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare kala duwan.