Ciidan fashiliyey qorshe uu watay xafiiska Rooble oo qabsaday garoonka diyaaradaha…

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa ciidan aad u hubeysan geeyey garoonka diyaaradaha magaaladaas, si halkaas ay uga hor istaagaan guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray inay soo qiimeeyaan xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sida aan xogta ku helnay waxuu qorshuhu ahaa in Talaadadii maanta ay Garbahaarey ka degaan xubnaha guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray soo qiimeynta magaaladaas, balse safarkaas ayaa baaqday kadib markii uu talaabadaan qaaday maamulku.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wax laga xumaado oo dowladnimada baal-marsan ku tilmaamay tallaabada lagu hor istaagay guddigaas.

Wasiiru dowlaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa maamulka Garbahaarey ku eedeeyey in uusan dooneyn in doorasho lagu qabto degmadaas, isagoo cadeeyey in ciidan lagu hor istaagay guddiga ku howlan qiimeynta ay degeen garoonka diyaaradaha ee Garbahaarey.

“Ciidamadii dowladda ee sida qaldan loo adeegsaday ayaa saakay aroortii qabsaday garoonka Garbahaarey, gaadiidka dagaalka ayey dhex dhigteen garoonka, iyadoo la leeyahay waxaan magaalada ka hor istaageynaa guddigii Ra’iisul wasaaruhu diray, taasi waa ku ceeb dowladnimada Soomaaliya,” ayu yiri wasiir Maxamed Cabdi Kaliil.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa beeniyey in ciidan ay geeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Garbahaarey ayaa ah magaalada kaliya ee ka mid ah deegaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee illaa hadda aysan ka dhicin wax doorasho ah.