Xeelada cusub ee qaraxyada Al-Shabaab – Sidee u dhacay qaraxii lagu dilay AFRIKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada loo adeegsado jaakadda ay xirtaan xubnaha ay ku qanciyaan inay is qarxiyaan, sida ay muujinayaan xog u uruurintii la sameeyey labadii sano ee ugu dambeeyey.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinkii ay sababeen qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee dalka ka dhacay wixii ka dambeeyey sanadkii 2019-kii.

Sidoo kale barnaamijkaan waxaa lagu wareystay qaar ka mid ah dadka dhibanayaasha u ah qaraxyadii dhacay, waxaana ka mid ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame oo dhaawacyo aad u culus ay ka soo gaareen qaraxii lagu dilay Agaasimhii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika.

Agaasime Sharma’arke waxa uu ka sheekeeyey wixii gaaray markii la qarxiyey 20-kii bishii November iyo sida ay hadda xaaladiisu tahay, meelaha qaar ee wareysigaan Sharma’arke waxuu cesha weynayaa Ilinta.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka mid ah dadka lagu wareystay barnaamijkaan, waxuuna soo bandhigay xog uruurin qaraxyadii dhacay, noocyada ay kala ahaayeen iyo khasaarihii ka dhashay uu ka sameeyey booliska Soomaaliya.

Sida lagu sheegay xogtaan sanadkii 2020-kii waxaa la diiwaan geliyey 22 qarax oo is-miidaamin ah, kuwaas oo 11 ka mid ah ay fuliyeen dad soo xirtay jaakadaha qarxa, halka 11-ka kale lagu fuliyey gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo ay wadaan dad naftooda haligayaal ahaa.

Sanadkii 2021-kii  waxaa is qarxiyey 13 qof oo jaakado soo xirtay, halka 14 kalena ay fuliyeen xubno watay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey, sida lagu shaaciyey xogta uu baahiyey barnaamijkaan.

625-qof ayaa qaraxyada ku geeriyootay sanadkaas, halka 611 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, 54 bam-gacmeed iyo 19 weerar oo loo adeegsaday qoriga loo yaqaano Hoobiyaha ayaa dhacay sanadkii tegay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan waxuu sheegay inay ku guuleysteen yareynta qaraxyada gaadiidka loogu dhejiyo masuuliyiinta iyo gaadiidka qaraxyada lagu soo raro ee Muqdisho lasoo geli jiray, taas oo keentay in kooxdu ay qof kaligiis ah qarax ku soo xirto.

Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran