Wareysi: Qaali Cali Shire oo ka hadashay guushii ay ka gaartay kooxda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Cali Shire oo dhawaan kamid noqotay Golaha Shacabka, kuna soo baxday tartan adag oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadashay guusheeda iyo sida ay wax u dhaceen doorashadeedii.

Qaali Cali oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxay sheegtay inay ku timid rabitaan shacab, islamarkaana ay u shaqeyn doonto bulshadeeda, maadama aysan cidna meesha geysan, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa ku imid rabitaan shacab iyo ergadii isoo dooratay, dowlada qof ayaa ka tirsanaa oo ay wadatay, anigana waxaa ku imid rabitaan shacab,” ayey tiri Qaali Cali Shire.

“Marka aad beer abuurato waxa ka sugayso waa in aad miraheeda hesho, insha allah igu khasari maysan intii karaankeyga dadka waa iga duwanaan doontin.”

Kursiga ay ku guuleysatay Qaali ayaa doorashadiisu 6-dii bishaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo, tartankiisu waxuu ahaa mid furan, waxaana ku loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maadaama loo asteeyey qoondo haween.

Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday wareeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tahliil Warsame oo wareegii koowaad heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysatay 32-cod.

Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo heshay 61-cod, halka Ubax Tahliil ay heshay 40-cod

Guusha Qaali ayaa waxaa xiligaas si weyn uga fal-celiyay siyaasiyiinta Soomaalida iyo xildhibaano, kuwaasi oo doorashada ay kusoo baxday ku sifeeyay mid xor iyo xalaal ah oo aan lagu arkin inta badan kuraastii la doortay.

Hoos ka dhageyso wareysiga