HirShabelle oo shaacisay doorashada kursi ay xiisad ka taagan tahay, hakisay laba

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashada HirShabelle (SEIT) oo hore u shaacisay liiska guddiyada xulista ergada 3 kursi oo kamid ah kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne, ayaa goor sii horeysay hakisay labo kamid ah kuraastaas.

Saddexda kursi ee markii hore ay shaacisay guddiyada xulista ergada ayaa kala ahaa; HOP#010, HOP#030 iyo HOP#066, waxaana hadda meesha laga saaray guddigii loo diiwaan-geliyay kuraasta HOP#010 iyo HOP#066

Guddiga doorashada HirShabelle ayaa sheegay in labada kursi loo hakiyay si looga jawaaabo cabashadii ka timid guddiyada xulista ergada la shaaciyay, ayada oo uu Guddiga SEIT HirShabelle uu markale soo saari doono magacyada guddiga xulista ergada rasmiga ah marka la xaliyo cabashadaas.

Kuraasta kaliya ee sidiisa loo daayay oo ah HOP#030 ayaa waxaa hadda ku fadhiyo Daahir Amiin Jeesow, waana mid doorashadiisa si gaar ah loo xiiseynayo, maadama uu guux weyni ka jiro.

Kursiga HOP#030 ayaa markii hore si gaar ah loogu xiray Jeesow oo asagu si toos ah ugu xiran kooxda Farmaajo, hase yeeshe waxaa si adag uga horyimid maleeshiyo hubeysan oo ku sugan Beledweyne.

Maleeshiyadaas oo soo galay Beledweyne ayaa wacad ku maray inay dagaal qaadi doonaan haddii kursigan loo xiray Jeesow, oo 5 sano oo uu ku fadhiyey ka dhigay kursi loogu adeego Farmaajo.

Kursigaan ayaa kamid ah kuwa sida aadka ah isha loogu hayo, ayna adag tahay in xiligaan loo sameeyo malxiis, sida hore uga dhacday doorashada Golaha Shacabka.

Maamulka HirShabelle ayaa wajahaysa culeys xoogan oo ku aadan kuraasta ku harsan, ayada oo dib loo dhigay kuraasta ugu adag ee taalla magaalada Beledweyne.

Xiisada u xoogan ayaa ka taagan in kuraasta la furo, halka qaar kamid ah madaxda maamulkaas ay rabaan in si gaar ah loogu xiro shaqsiyaad ay wataan kooxda Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta mar kale kulan la qaatay inta badan musharixiinta u taagan kuraasta ku harsan Beledweyne, ayaa u sheegay musharixiinta in aan la xiri doonin kuraastaas.