26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Puntland iyo Galmudug oo wali isku fahmi la’ qodobada qaar iyo rasaas…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in wali ay taagan tahay xiisada ka dhalatay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xiisada ayaa laga dareemayaa galbeedka magaalada, waxaana ilaa shalay dhacaya rasaas goosgoos ah oo xaqiijineyso in wali ciidamada ay kala joogaan aagaga dagaalka.

Waxaa adag in isfaham dhab ah uu ka dhasho dagaalkii dhacay, maadaama labada maamul ay kala wataan sharuudo aan u cuntamin midba midka kale.

Waxyaabaha la isku hayo waxaa kamid ah waajibaadka labada maamul ee magaalada Gaalkacyo iyo sida howlaha ku socon karaan, qaadistii xayiraada Puntland ee gaadiidka ka taga magaalada Gaalkacyo iyo kala qaadista ciidamada is horfadhiya.

Puntland ayaa diidan in ciidamada la kala qaado, waxaana ay rumeysan tahay in taasi ay keeneyso dagaal qorsheysan oo markale Galmudug ku qaado deegaanka maxjarka laga dhisayo.

Galmudug ayaa dhankeeda soo jeedisay in marka hore ciidamada la kala qaado, lana soo celiyaa dadkii magaalada ka barakacay, kadibna wadahadal dhab ah loo fariistaa.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ayaa diidan in siyaasiyiinta ay go’aan ka gaaraan xiisadii dagaalka ka dhalatay, waxayna doonayaan in dhaqanka loo madax banaaneeyo.

Caasimada online
Xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News