PUNTLAND iyo ku takrifalka darajada ciidamada

Garoowe (Caasimada Online) – In badan oo ka mid ah shacabka Puntland ayaa la maqlaa marar badan iyaga oao ka hadla Xiddigaha Iyo Saraakiisha Koonfurta Soomaaliya Sida Janaraal Cabdullahi Macalin Nur, Janaraal Indhacade, Janaraal Muungaab, Janaraal Tuurayare, Janaraal Cali Gaab. Balse Shacabka Puntland Isma-weydiin Taliyaayasha Ciidamada Puntland Waa Maxay Khibradooda Iyo Akadeemiyadooda Xirfadeed ? Waxaan haddaba Maanta Tooshka ku Ifin Doonaa Saraakiisha Ciidamada Puntland Oo Isugu jira Daraawiish Iyo Boolis.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Sareeya Gaas Siciid Dheere, Waxaa loo xiray Laba Garoon Iyo Gaashaan waana Darajada ugu sareereysa Ciidanka. Siciid Dheere Wuxuu SSDF aaday isagoo Saddex Xarigle ah kadibna 1991 Ayaa Xabsiga Addissababa Laga sii daayay mana jirto Tababar Ciidan Oo Dalka Dibbadiisa loo qaaday.

Taliyihii hore ee Booliska, Janaraal Maxamed Siciid Jaqnaf, Laba Xarigle ka howal-gali jiray Saadka Ciidamada, Mana laheyn Aqoon Boolis Iyo Mid Akadeemik waxaana Laga taxay Darajada Janaraal.
Taliyaha Hadda Booliska Puntland Haya, Janaraal Abdirisaaq Af-Guduud, Wuxuu ahaa Hal Xidigle Bayl-Cadii Soomaaliya, Wuxuu Istaaf u ahaa Janaraal Moorgan Xiligii uu Burca joogay. Maantana waxaa loo Xiray Darajo Janaraal.

Taliyaha Ciidamada Asluubta, Janaraal Cali Nuur, Wuxuu ahaa Saajin markii ay Dowladu dhacday Oo Wuxuu kamid ahaa Askartii Garab-Saarka ee Aan Akadamiga Aheyn. Maanta Waa Janaraal
Taliyaha Ciidamada Birmadka, Janaraal Afdalow, Wuxuu ahaa Kirshboy 1982/86 Kadibna Wuxuu ahaa Ganacsade Xoolaha Nool Oo Shirkadii Kaba-badan ee Xoolaha 1993 ayuu Xoolaha u soo Iibin jiray. Maanta Waa Janaraal.

Taliyaha Boolis Gobolka Bari, Korneel Abdixakiin, Wuxuu Boosaaso ka ahaa Tahariibiya kadibna Bakhaar ayuu furtay, Adeerkiis Gaasna Xilkaas Iyo Darajadaas ayuu Isugu daray.

Taliyaha Gobolka Nugaal, Korneel Qaan-Qaa, Wuxuu Waardiye u ahaa Walaalkiis Xassan Abshir Faarax Oo Xiligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mana Noqon Ciidan, Laakin Addeerkiis Abdirixmaan Faroole ayaa Isugu daray Darajadii Korneelnimada Iyo Xilkaa Sare.

Taliyaha Akadeemiyada Carmo Korneel Layli, Waxaa Laga Xasuustaa inuu ahaa Itaafkii Janaraal Maxamed Abshir Muuse Xiliguu ahaa Guddoomiyaha Jabhadii Ssdf 1993. Layli ayaa Darajada Korneelnimo lasiiyay Xiligii uu Madaxweyne Gaas qabsaday Puntland Oo Laga dhigay Korneel Iyo Taliyaha Bookiska Nugaal.

Intaan Oo kaliya ma aha Raga Xilalka Sare ka haya Puntland ee Booliska Iyo Daraawiishta waxaana sii dheer Taliyaayasha Qeybaha Iyo Xabsiyada. Dadka Reer Puntland ha ogaadeen Inta ay Horjoogayaal u yihiin Raga sidaan Oo Kale ah ineysan heli doonin Amaan lagu Kalsoonaado Iyo Boolis Tababaran Oo Anshax Iyo Nidaamba ka dhisan. Haddii Indhihii Ciidamada Puntland sidaa yihiin, Maxay saraakiisha Puntlland uga duwan yihiin Gen Mungab, Gen Turyare , Col Abdullahi Macalin Nur Iyo Gen Yusuf Indhacade.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com