Xildhibaanada baarlamanka Somalia oo laga dul qaaday howshooda iyo xildhibaan SIR bixiyey..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xildhibaanada BF Somalia ay afkaaro kala duwan ka qabaan qaabka uu u shaqeyo Baarlamaanka dalka ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay mudanayaasha qaar.

Maxamuud Cali Dhuux oo ka mid ah mudanayaasha BF ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in Baarlamaanka dalka uu ka gaabiyay qabashada howlo badan oo looga fadhiyay inuu qabto.

Waxa uu sheegay inuu dareensan yahay in BF uu ka gaabinaayo howlihii loo igmaday taasina ay dhalisay in Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeed ay buuxiyaan waxyaabaha ay ka gaabiyeen.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux waxa uu sidoo kale tilmaamay in howlaha ay ka gaabiyeen ay qeyb ka tahay wadadii ay Somalia ku gaarsiin lahaayen barnaamijka hiigsiga 2016-ka, islamarkaana aysan kasoo dhalaalin waajibaadkii laga doonayay.

Waxa uu cadeeyay in sababta ugu weyn oo Beesha Caalamka ay usoo faragalineyso arrimaha Somalia ay tahay howl la’aanta lagu arkay Baarlamaanka Somalia hayeeshee taasi ay dhashay in howlihii laga doonaayay Baarlamaanka ay iyaga qabtaan Xukuumaduna ay ku raacday.

BF ayuu sheegay in wali uu heysto wakhti ku filan loona baahan yahay in boorka laga jafo waxyaabihii laga gaabiyay haddii aysan suuragalina ay dhici karto caqabado soo wajaha BF.

Haddalka Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux ayaa imaanaya xili wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay ku shaqeynayaan kaalintii ay ka gaabiyeen Xildhibaanada BF, waxaana muuqaneysa in Wakiiladaasi ay isku bedeleen BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com