Siyaasi caan ah oo banaanka soo dhigay SIR ku saabsan shirkii madasha wadatashi oo la qariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia lagu soo xiray shir wadatashi ku saleysnaa doorashada ka dhici doonta dalka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Salaad Cali Jeelle.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle, ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay shirkaasi ay badan koodu yihiin kuwo waxkama jiraan oo lagu luminaayo aayaha Somalia waxa uuna sheegay in Umadda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin waxqabad balse aysan dooneynin in la xariiqo qodobo aan lagu dhaqmin oo hoolka shirka looga kala tago.

Ka hor imaanshiyaha uu ka hor imaaday qodobada laga soo saaray shirkaasi ka sokow ayuu sheegay in 10-ka qodob ee laga soo saaray shirkaasi uu ka taageersan yahay kaliya hal qodob.

Qodobka uu sheegay inuu taageersan yahay ayaa ah in wax muddo kororsi ah la sameyn balse mowqifku uu yahay in la sameeyo doorasho aan wakhtigeeda dhaafin.

Salaad Cali waxa uu arrin xun ku sheegay iney tahay in madasha wadatashiga lagu soo kobo kaliya Mas’uuliyiinta sar sare ee maamul goboleedyada iyo kuwa Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Shaqsiyaadka ay inkirtay Dowlada Federaalka ee aan laga qeybgalin Madasha shirka ayuu sheegay inay yihiin Gudoomiyayaasha Axsaabta siyaasadeed ee dalka oo aan laga qeyb galin shirka soo dhamaaday.

Sidoo kale, Mr Salaad Cali Jeelle wuxuu carab dhabay in natiijada kasoo baxday shirkaasi ay yihiin kuwo Madaxweynayaasha ku kooban oo aan saameyn karin shacabka Soomaaliyeed waxa uuna xusay in DF Somalia ay caado ka dhigatay in shir waliba oo dhaca aan la hirgalin qodobada kasoo baxa.

Dhanka kale, Salaad Cali Jeelle ayaa DF Somalia uga digay inay iska horkeento Umadda Soomaaliyeed waxa uuna cadeeyay in Axsaabta dalka ay ka fiirsan doonaan natiijada kasoo baxday shirka wadatashiga ee maalin ka hor lagu soo afmeeray Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com