PUNTLAND oo ciidamadii ugu badnaa xalay geysay magaalada BOOSAASO

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, taas oo u dhexeyso madaxda dowlad goboleedka Puntland iyo ciidamada PSF-ta ee maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in Puntland ay ciidamo horleh geysay magaalada Boosaaso, kuwaas oo xalay saq-dhexe gudaha u galay magaalada.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid dhinaca Garoowe, waxaana ay ku biireen ciidamo kale oo horay ugu sugnaa magaalada Dekedda leh ee Boosaaso.

Arrintan ayaa qeyb ka ah gulufka ka dhanka ah ciidamada PSF-ta oo iyaguna ku sugan qeybo ka mid ah magaalada oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama ay kasii darayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan ee ka jira Boosaaso.

Hoggaamiyaha Puntland, Saciid Deni oo ka hadlayey xiisaddaan wuxuu ku hanjabay in uusan marnaba cid kala gorgortami doonin ilaalinta sharciga, isaga oo intaasi ku daray in ciidamadaas ay ka ciqaab weyn yihiin shacabka, haddiii ay jabiyaan sharciga ciidamada.

Deni waxa uu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in cidkasta ay sharciga ilaaliso, weliba si gaar ah ciidamada kala duwan ee Puntland oo ka dhawaajiyey in dhismahooda waqti badan ku bixiyay maamulku.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Puntland ay haatan ka digayaan in dagaal loo horseedo shacabka Boosaaso.