Puntland oo gudbisay dalab culus oo ka dhan ah DF xilli la isku hayo malaayiin dollar

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday Bankiga Aduunka in uusan lacagaha mashaariicda u soo marin dowladda federaalka Soomaaliya, kadib kulan ay maanta yeesheen Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Madaxda Bankiga Aduunka.

Kulanka oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dul istaagi lahaa waxqabadyadii mashaariicda horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo mashruuca dib u habeynta ee uu Bankiga Aduunka ka taageero maamulkaas.

Sidoo kale waxaa kulankaas lagu eegay guulihii laga gaaray qorsha hawleedka iyo dardar-galinta mashuurca PFM/DRM, gaar ahaan sanadkii ugu danbeeyey, tubtii loo maray iyo tallaabooyinkii la qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxdii ka socotay Bankiga Aduunka uga mahad-celiyay kaalmada dhaqaale ee ay la garab taagan yihiin maamulkiisa, isagoona ka dalbaday in mashaariicda iyo lacagaha si toos ah loogu soo hagaajiyo Puntland.

Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay inay fashilmeen mashaariicdii loo soo marshay maamulka Puntland dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hadda kadib si toos ah loogu soo shubo qasnada maamulkooda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan lacagaha iyo mashaariicda ku socda maamulada loogu hagaajiya, si ay usii gaarsiiso halka loogu tala-galay, taasi oo sanadihii dambe ay saluug badan ka muujiyeen maamulada qaarkood.