Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada golaha shacabka ee KOONFUR GALBEED

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maanta magaaladaas lagu qabanayo doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kuraastaasiyaa haatan ka socda xarunta baarlamaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay kusii qul-qulayaan ergada wax dooraneysa iyo musharixiinta xil doonka ah ee u taagan kuraasta maanta la dooranayo.

Afartan kursi ee ay doorashada qabaneyso Koonfur Galbeed ayaa u dambeeya 11-kii kursi ee ay horay u shaacisay, waxaana kala yihiin:-

HOP#213: oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Yacquub Cali Maxamed, HOP#154 oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla, HOP#193 oo uu ku fadhiyay AHUN Maxamuud Maxamed Bono iyo HOP#180 oo ku fadhiyey xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulle (Dr. Go)

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, gaar ahaan goobta ay ka dhaceyso doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Talaabadda ay qaadeyso Koonfur Galbeed ee la xiriira doorashooyinka ayaa ku soo aadayo, iyada haatan oo cabasho laga muujinayo kuraasta qaar, waxaana ugu dambeeyey kursiga HOP#103 oo uu horay ugu fadhiyey Prof. Jawaari, kaas oo xildhibaan cusub loo doortay.

Koonfur Galbeed ayaa ah maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka, walow ay dhaliil kala kulantay qaabka ay u wajahday doorashada haatan socota.

Si kastaba, shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka jawaabaya cabashada jirta la kulmay Golaha Midowga Musharixiinta, isaga oo u ballan qaaday inuu wax ka bedali doono qaabka ay haatan wax ku socdaan isla-markaana uu la tashan doono Golaha Wada-tashiga.