Daawo: Midowga Musharixiinta oo shaaciyey hal fursad oo ay Rooble siiyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharixiinta ayaa shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhaamaday kulankii ay maanta la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo looga hadlay boobka doorasho ee dalka ka socda.

Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay midowga musharaxiinta ayaa sheegay kulankii ay la yeesheen Rooble uu qeyb ka ahaa kulamo maalamahaan dambe u socday golaha Midowga Musharixiinta, isla markaana ay Rooble u gudbiyeen dareenkooda ku aadan hanaanka ay u socoto doorashadu.

“Waxaan u sheegnay ra’iisul wasaaraha, in boob qaawan uu ku socdo doorashada, markii aan la wadaagnay dareenkaas, waa uu soo dhaweeyey, waxuuna noo sheegay inuu isugu yeeri doono golaha wadatashiga qaran, isla markaana uu la wadaagi doono walaaca ka soo kordhay doorashada, war cadna ay ka soo saari doonaan arrinkaas,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka midow ahaan ay sii wadi doonaan kulamada lagu gorfeynayo ka hor tagga boobka doorashada.

“Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed doorashooyinka socda kuwii idin anfi lahaa maaha oo dowladnimo noo hor seedi lahaa, waxaan u taaganahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan doorasho xalaal ah, qof kasta oo doorashadaan lagu dulmiyana waxaan rajeyneynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in hadda ay go’aansadeen inay fursad siiyaan Ra’iisul wasaaraha, si golaha wadatashiga qaran uu u hor geeyo walaaca boobka doorashada, “Anaguna waxaan sii wadi doonaa dadaaladii aan wax ku saxeynay,” ayuu yiri.

Dhanka kale sida lagu shaaciyey qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas waxaa la isla qaatay labo qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. In wax laga bedelo hanaanka ay ku bilowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, shirna iskugu yimaadan Golaha Wada-tashiga Qaranka.

2. Guddiyada doorashada inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay ee doorashooyinka.