Maxey ku kala duwanaan doonaan gulufkii hore ee Badbaado Qaran iyo midka cusub ee mucaaradku rabaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna diidan yihiin sida ay ku socoto doorashada xubnaha golaha shacabka, mucaaradka ayaa horay u saluugsanaa doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee dalka.

Maalintii seddexaad ayey mucaaradka ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, waxay sheegeen inay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, sidoo kalena waxay la kulmeen Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Bishii April ee sanadkaan mucaaaradku waxay hoggaamiyeen gulufkii Badbaado Qaran, mashruucaas wuxuu lahaa laba u jeedo, mid waxay aheyd in Farmaajo laga hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa, halka kan kale uu ahaa in awoodda doorashada laga wareejiyo Farmaajo, xilligaas mucaardka waxaa u suurta gashay in labadaas u jeedo ay ku guuleystaan.

Tadoba bilood kadib, gulufkii badbaado Qaran waxay mucaaradka mar kale ka fakarayaan inay xaalad cusub abuuraan, maadaama ay cabasho xooggan ka dhalatay sida loo maamulayo doorashada Golaha Shacabka.

Haddaba su’aasha inta badan ee reer Muqdisho qabaan waxay tahay maxaa sal u noqon doona gulufka cusub ee mucaaradka, maadaama midkii hore la ogaa hadafkiisa.

Doodaha kale ee miiska saaran waxaa kamid ah in mucaaradka isku raaci karaan Badbaado Qaran 2 iyo sida ay Shacabka u arki doonaan arrintaan.

Farmaajo doorashadii waa laga wareejiyey, wuxuuse sida muuqata heystaa adeegayaal idman oo doorashada uga qabanaya wax ka badan intii laga fili lahaa inuu isagu ka qabsado.

Sida ay ku socoto doorashada qof walba ayaa dareensan inuu Farmaajo heysto soo laabasho xoog leh. Mid kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaan waydiinay golufkiinii hore wuxuu ahaa in Farmaajo laga wareejiyo maamulka doorashada iyo in la hor istaago muddo kororsiga ee hadda maxaa damacsan tihiin oo sal dhig u noqon doona tallaabadiina cusub?

Wuxuu ku jawaabay “Farmaajo ma rabo inay doorasho ka dhacdo dalkaan, waa isaga qofka maamulada ku garab siinaya in kuraasta la boobo, qofka loo boobayo doorashadana waa isaga, Rooble oo aan aaminay wuxuu hadda toos u dhex galay Farmaajo, sida ay wax ku socdaan dalka iyo dowladnimada halis ayey ku tahay, waxaana aaminsanahay in uusan Farmaajo doorasho iyo nabad midna uga tageyn Villa Somalia, sidaad darteed haddii aan u soo laabto su’aasha markaan go’aankeenu waa in doorashada la joojiyo, guddiyada lagu laabto, habraaca lagu laabto, mucaaradkana kaalin muuqata laga siiyo doorashada ama inuu Farmaajo toos u baxo,”  ayuu yiri xubintaas kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka.

Haddii aan jawaabtaas eegno waxay ka dhigan tahay inay mucaaradka markaan dagaal toos ah u socdaan, laakiin arrinta aan weli la dul istaagin waxay tahay mucaaradka ma isku raaci doonaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan inay adag tahay inay mucaaradku isku raacaan in dib loo aruuriyo ciidan oo dagaal kale la iclaamiyo.

Xubnaha mucaaradka qaar ayaa xildhibaano fiican usoo baxeen, waxayna rajo ka qabaan natiijada kuraasta dhiman, qeybtaas waxay rabaan in kulamada iyo fariimaha mucaaradka laga dhigo cadaadis oo aan tallaabo ciidan la qaadin, halka inta kale ay qabto in awood wax lagu xaliyo.

Waxaa laga cabsi qabaa in mucaaradka ku kala tagaan gulufkaan cusub, gaar ahaan musharixiinta dhabta ah.

Shacabka oo si weyn u taageeray wajigii koowaad ee Badbaado Qaran ee diidanaa muddo kororsiga, ayaan la ogeyn sida ay wajigaan labaad u arki karaan, maadaama doorashadii Golaha Shacabka socoto, tii Aqalka Sarena ay dhammaatay, wallow ay dhammaantood yihiin kuwo natiijadooda lasii ogyahay.