Xog: Laba qorshe oo laga leeyahay tallaabada lagu hakiyey kursiga HOP#67

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maanta shaaciyey in la hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#067.

Kursigan ayaa waxaa Khamiistii kusoo baxay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, kadib doorasho la maquuniyey oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga xallinta khilaafaadka, islamarkaana lagu socod siiyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa lagu sheegay in guddigu ay soo gaartay dacwad ka dhan ah kursigaasi, taas oo ay soo gudbiyeen musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo sidoo kale Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Kursiga HOP#67 ee jufo ka mid ah beesha Waceysle ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii guddiga doorashada Galmudug iyo madaxweyne Qoor Qoor ay u xireen Villa Somalia, ayaga oo murashaxiin badan u diiday inay u tartamaan.

Guddiga xalinta khilaafaadkan, oo si toos ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya, ayaan wax dan ah ka laheyn inuu si dhex-dhexaad ah u eego arrintan, ayada oo la ogyahay sidii cadaaladda ka fogeyd ee uu u maareeyey dooddii ka dhalatay kursigii uu boobay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. 

Hase yeeshee tallaabada uu qaaday guddiga xalinta khilaafaadka ayaa looga dan leeyahay laba qorshe ama khiyaano oo kala ah:

1- In warka ku saabsan hakinta natiijada doorashada kursiga lagu damiyo xiisadda kacsan iyo qeylo dhaanta hareysay kursigan, ayada oo shacabka iyo beesha Waceysle loo muujinayo in guddigu eegayo murankan. 

Ereyga loo adeegsaday tallaabada uu qaaday guddiga ee ah “hakinta” kursiga” ayaa ujeedku yahay in laga dhigo in Yaasiin Farey aanu weli kursiga loo sharciyeyn, taasi oo dadka aan fahansameyn sida guddiga u shaqeyo maalmo ku mashquulin doonto sugitaanka natiijada baaritaanka guddiga, sidoo kalena damin karta hadal haynta ku saabsan boobka lagu sameeyo kursiga.

2- Qorshaha labaad ayaa ah; in guddigu isu muujiyo mid shaqeeya, oo diyaar u ah inuu qabto cabasho kasta kadibna go’aan ka gaaro. Waxaa kadib guddiga uu go’aamin doonaa ,sida aan ognahay in kursiga Yaasiin Farey uu ku guuleystay ee HOP#67 ay ku waayeen wax khaladaad ah, sidaasna uu ku yahay sharci.

Tani waxay kursiga siin kartaa sharciyad uusan hadda haysan, waxayna sidoo kale u muujin kartaa beesha caalamka in guddiga yahay mid shaqeeyo oo waajibaadkiisa gudanaya, taasi oo ah waxa ay guddiga iyo Villa Somalia. 

Arrintan yaabka leh ayaa ah in beesha Waceysle ay cabasho u gudbisay gudidgan, ayaga oo weliba og inuusan u caddaalad fali doonin dhinacyada isku haya kursiga.

Hase yeeshee, xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameeyeen ay tahay inay maraan hanaanka sharciga ah, kahor inta aanay qaadan tallaabooyin kale, si ay guddigan uga soo xiraan albaabkii ay berri ku doodi lahaayeen oo ah “inaan lasoo marin oo aan cabasho loo keenin.”