Puntland oo ciidamo ka hor-taga Somaliland gaysay Sool iyo xiisad dagaal oo taagan

Sool (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ayaa maanta galinkii dambe ku baxay qaybo kamid ah deegaanada lagu muransanyahay ee gobolka Sool, Labo maalin kadib markii mas’uuliyiin katirsan golaha xukuumadda Somaliland iyo Puntland war kasoo saareen xaaladda gobolkaas iyo doorashada Somaliland isu diyaarinayso.

Somaliland ayaa shaacisay in Puntland hishiis ku gaareen inaysan carqaladayn doorashada ka dhacay gobolka Sool, halka wasiirka Warfaafinta Puntland uu sheegay in arrintaas waxba kama jiraan tahay islamarkaana aysan suurogal noqon doonin in goobo ay maamulaan la keeno sanaadiiq codbixinta.

Arrintaas ayaa keenta in Puntland furimaha hore gayso ciidamadeeda. Warar aan ka helnay jiida hore ayaa sheegaya in ciidankaas u jeedkoodu yahay sidii ay u joojin lahaayeen isku day kasta oo lagu doonayo in sanaadiiqda codbixinta lagu geeyo goobaha ay wali maamusho Puntland ee gobolka Sool kamid ah.

Xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ciidamada ilaa hadda wax war ah kama soo saarin ujeedka ciidamadaas loo geeyay gobolka Sool oo qaybo kamid ah gacanta ugu jira Somaliland.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa wada dadaalo ku aadan inuu hirgaliyo nidaamka doorashada iyo in shacabku ka codeeyaan gobolka.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwo ay ku muransan yihiin maamullada Somaliland iyo Puntland, waxaana tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Milatariga ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

Qaar kamid ah dagaalladaas oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay, waxay ka dhasheen murarnka doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle 
Caasimada@live.com